Kooxda Daacish oo weerartay xarunta safaarada Mareykanka ee dawlada degaanka Kurdida Ciraaq
Erbil April 18,2015(SDN/QJ)-Kooxda Islaamiyiinta ee Daacish ayaa qarax la beegsatay Safarada Mareykanku ku leeyahay degaanka Kurdida ee Erbil.
Qaraxan oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa ka dhacay aaga hore ee Safaarada Mareykanka.
Qaraxa ayaa waxa ku dhintay Sadex ruux halka ay sided kalena oo haweeney Maraykan ahina ay ku dhaawacmeen.
Qaraxa dabadii ayay dad goobjoogeyaal ahi soo tebiyeen in la maqlayay rasaas dhaceysa iyo hub culus oo la isku adeegsaday.
Kooxda Daacish ayaa sheegtay qaraxan oo ah mid noociisu ku cusub yahay degaanka Kurdiyiinta Ciraaq ee xiriirka dhaw la leh reer Galbeedka.
SDN/QJ-Erbil\contact@qurbejoog.com