Kooxda Daacish Oo Hal Milyan Oo Dollar Duldhigtay Meydka Wariye Maraykan ahaa Oo ay Hore Madaxa Uga Gooyeen
Mousil:Dec,12,2013(SDN/QJ)-Ururka Islaamiga ah ee Daacish, ayaa ku dhawaaqay Qoyska Sawir qaadidihii Maryakanka ahaa ee James Foley looga Baahan yahay inay iska Bixiyaan Hal milyan oo dollar si ay u helaan Meydka Wiilkooda ooh ore madaxa Looga Goooyey.
Sida lagu shaaciyay Buzzfeed saddex nin oo dhalinyaro ah ayaa isku dayay in ay ka shaqeeyaan heshiiska ay ku keenayaan meydka Foley dalka Turkiga marka madax furashada la bixiyo.
Foley ayaa ahaa lahaystihii Maraykan ah ee ugu horeeyay ee ay ururka ISIS qoorta ka gooyaan, waxana uu ururku markaa kadib uu madaxa ka gooyay laba ruux oo Maraykan ah iyo mid British ah oo ay afduub ku haysteen.
Saddexda ruux ee la sheegay inay waanwaan ka dhex wadeen waalidka Foley iyo ururka IS ayaa waxa ay sheegeen in ururku uu weydiistay $1 million, si ay u soo dhiibaan dhiigga DNA-ga la yidhaahdo ee Foley balse waxa uu ururku sheegay in marka hore la bixiyo lacagta.
Foley waxa uu ka mid ahaa 23 ruux oo ka soo jeeda wadamada reer Galbeedka oo ay qabsadeen ururka IS horaantii sanadkan.
15 kamid ah la haystayaasha ayaa la sii daayay kadib markii ay dowladahoodu ay bixiyeen lacago madax furasho ah, hase yeeshee wadamada Maraykanka iyo Britain ayaa waxa ay diideen in ay lacag madax furasho ah bixiyaan maadaama labada dalba aamay ogoleyn in wax waanwaan ah lala galo dadka wax afduubta.
Qoyska saxafigan ayaa waxaa hore ugu soo bandhigay ururka IS inay bixiyaan lacag gaadheysa $132million si wiilkooda loogu soo daayo, hase ahaatee xukuumada Maraykanka ayaa diiday iyagoo weliba u sheegay waalidiinta in haddii ay iskood u bixiyaan lacagta madax furashada ah ay noqon doonto khiyaano qaran.
“Waxa ay ku tahay dowlada Maraykanka ceeb,’ayuu yidhi sarkaal ka tirsan wasaarada arrimaha dibada Maraykanka. “Dadku waxa ay is weydiin doonaan sababta loo keenay meydka oo loo keeni waayay saxafiga oo nool.”
Qoyska Foley ayaan illaa iyo hadda ka hadlin sheekadan cusub waxana wasaarada arrimaha dibada dowlada Maraykanka u sheegtay shabakada Buzzfeed inay doonayaan warar dheeri ah.
Qabsashada dadka reer Galbeedka ah si lacago madax furasho ah loogaga helo ayaa waxaa ay ka mid tahay qaabka ay dhaqaalaha ku hesho ururka ISIS.
Sida uu daabacay wargeyska New York Times ugu yaraan $125million ayuu ururka ISIS ku helay madax furasho illaa iyo 2008 iyadoo $66million oo lacagtaa ka mid ahna uu helay sanadkii 2013.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com