Kooxda Alshabaab Oo Sheegtay Inay Qudha Ka Jareen Taliye-ku-xigeenkii Labaad ee Ciidanka Djibouti u Joogay Hiiraan
Buulo-burde:20-April-2014(SDN/QJ)-Dagaal Qadhaadh oo Maalintii shalay Dhex maray Ciidamada Huwanta ah iyo Kooxaha Al-shabaab ayaa waxa Haatan Guulo ka Sheeganaya Kooxda Al-shabaab.
Afhayeenka dhanka dagaalada iyo dilalka ururka Al-Shabaab C/Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay Buulo Burde ay ku dilleen sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Jabuuti.
Abuu Muscab ayaa sheegay in iyaga ay weerar ku qaadeen degmada Buulo Burde isla markaana ay dileen sarkaalkii labaad ee ugu sareeyay ciidamada Jabuuti ee jooga gobalka Hiiraan.
Sarkaalka la dilay ayuu ku Sheegay Abuu Muscab in uu ahaa taliye ku xigeenkii ciidanka Jabuuti ee gobalka Hiiraan kaas oo magaciisu ku sheegay Cl.Guuleed.
Illaa iyo hadda ma jirto wax hadal ah oo kasoo yeedhay dhanka iyo ciidamada Jabuuti oo ku xaqiijinayaan in laga dilay saraal sare marka laga soo tago sheegashada ururka Al-Shabaab.
Degmada Buulo Burde ayaa waxa ay tahay deegaan dhawaan laga qabsaday ururka kaas oo in badan ay ka atalinayeen, iyagoo intii ay ka sii maqnaayeen weeraro aad u xooggan ku soo qaaday.
S.D.N/QJ-Hargeysa