|

Kooxda Alshabaab oo sheegay in ay Daciifiyeen Awooddii Dawladda ee Sh/Hoose

Barawe:5-Sep-2013(SDN)-Afhayeenka dhinaca howlgallada ee ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo maalintii shalay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarada ay ka geysanayaan Gobalka Shabeelaha hoose ay yihin kuwa cadeynaya inaanay awood laheyn ciidanka Dowladda ee kharashka badan la geliyaa.

 

SHABAABIGAAf-hayeenka ayaa tilmaamay  in ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda oo isku tagay ay suggi waayeen ammaanka Madaxweynaha Soomaaliya oo wafdigiisa lagu weeraray meel kamid ah Gobalka Shabeelaha hoose, taasina ay caddaynayso awoodda muuqata ee ururka Al-shabaab.

 

Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay sii wadi doonaan ilaa hadafkooda ay ka gaadhaan, taasina ay tahay sida uu sheegay waajib saaran oo ay muhiim tahay inay gutaan.

 

Weerarkaas ay kooxda Al-shabaab sheeganayaan inay u geysteen madaxweynaha somaliya,  ayaa dhinaca dawladda af-hayeen u hadlay uu beeniyey, waxase arrintaas qiray qaar ka mid ah ciidanka dawladda oo sheegay inuu jiro jid-gooyo loo geystay waftiga madaxweynaha, balse aanay dhibaato ka soo gaadhin.

 

Somalidiasporanews.com

 

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed