Kooxda Alshabaab oo Sheegatay Mas’uuliyada Qaraxii Gaadhi ee Muqdisho ka Dhacay
Muqdisho 13.Feb 2014 (SDN)- Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax gaari oo maanta ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka howlgallada milateri ee Al-Shabaab, Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa sheegay inay weerarka ku dileen ugu yaraan 13 qof oo saddex ka mid ah ay yihiin dad caddaan ah, halka toban kalena ay ahaayeen ciidamo ka tirsan dowladda oo ilaalo u ahaa dadka ajnebiga ah.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga u qaabilsan gobolka Banaadir, Warsame Maxamed Xasan Joodax ayaa sheegay inay weerarka ku dhinteen lix qof oo rayid ah oo ay ku jirto haweeney, halka 15 kalena ay ku dhaawacantay.
Warsame Joodax ayaa sheegay inay u gurmadeen dadkii ku dhaawacmay weerarka, iyagoo u qaaday xarumaha caafimaadka ee magaalada.
Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay kordhisay weerarrada ay ka geysaneyso magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com