Kooxda Alshabaab oo Lix ka Mid ah Ciidamadooda lagu dilay duleedka Magaalada Beledweyne
Beledweyn 24.Nov 2013 (SDN)- Lix ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab ayaa saakay lagu dilay duleedka degmada Beledweyne kaddib markii ay ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ay howgal ka fuliyeen tuulooyin ku yaalla galbeedka magaalada Beledweyne.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaaWarfidiyeenada u xaqiijiyay in lix ka mid ah kooxda Al-Shabaab oo xoolo baad ah ka qaadanayay dadka reer miyiga ah lagu dilay meel u dhow tuulada Jeeloow ee duleedka magaalada Beledweyne.
Sarkaalka ayaa intaas raaciyay in maleeshiyada ay isku dayday in ay is difaacdo balse lagu dilay howlgalkii ay saakay ka billaabeen ciidamadu tuulooyinka ku yaalla duleedka magaalada Beledweyne.
Sidoo kale ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Itoobiya ayaa saakay u dhaqaaqay waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Beledweyne iyo Buulo burte.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa saakay howlgallo ka fuliyay deegaanno ay ka mid yihiin Baraagta Ceelow, Afar Irdood iyo deegaanno kale kuwaas oo in ka badan 30 km u jira magaalada Beledweyne.
Beledweyne SDN.
Qurbejoog.com