Kooxda Alshabaab oo Dib u Hawl galiyay Isgaadhsiintii ay Xayiraada ku Soo Rogeen
Kismaayo 06.Feb 2014 (SDN)- Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta oo Khamiis ah fasaxday adeegyada taleefoonka ee shirkadda Hormuud ee gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.
Al-Shabaab ayaa lix maalmood ka hor damisay hab-dhiska shirkadda Hormuud ee isku xira Muqdisho iyo gobollada Jubbooyinka.
Sida ay Warfidiyeenada ku Sugan gobollada Jubbooyinka ku soo warramayaan al-Shabaab ayaa qaadday xayiraadda kaddib wada-hadal dhex maray labada dhinac.
Shirkadda Hormuud ayaa la sheegay inay maanta joojisay adeegga internet-ka ee taleefoonnada gacanta ee magaalada Muqdisho.
Kismaayo SDN.
Qurbejoog.com