Kooxda Al-shabaab Oo Sharraxaad Ka Bixisay Sababta ay Ciidanka Dawladda u Laynayaan
Muqdisho:July,02,2014(SDN/QJ)-Kooxda Al-shabaab ee Dagaalka kula jirta Dawladda Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka Hadashay Weerarro ay Maalmahan si Gaar ah ugu beegsanaysay Ciidamada Dawladda Gaar ahaan kuwa ku sugan caasimadda Muqdisho.
Ninka Ururkaas Afhayeenka Uga ah Hawlgallada ay sameeyaan oo ah Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa isagu sharraxaad ka bixiyey sababaha iyo u jeeddada ay ciidanka u badhtilmaameedsanayaan.
Afhayeenka, ayaa wuxuu sheegay inay Ciidamada Dowladda ka kufriyeen Alle iyo inay dhibaato xoog leh ku hayaan shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
“Waxaa loo beegsanaayo oo Mujaahidiintu maleeshiyaadka murtidiinta ah oo qoryaha sita, oo dhabayaasha taagan ay u beegsanayaan waa laba arrimood. 1- Waa inay maleeshiyaadkaasu ay kafaro yihiin, oo iyagu naftoodu ay dulmiyeen, Ilaahay (SWT), oo ka mudnaa inay waxdaaniyadana u qiraan isagana caabudaan, oo xukunka isaga u xukun taggaan horta inay ka leexdeen, waa qodoboo, waa xad, oo in la laayaa waa waajib.” ayuu yidhi Sheekh C/casiis Abuu Muscab.
“2-Midda labaad intaa kuma ay gaabsan, waxaa weeye dadkii masaakiinta ee ku noollaa Magaalada Xamar iyo nawaaxigeeda, dhibaato xoog leh ay ku hayaan.” ayuu sii raaciyay Abuu Muscab.
Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay laga dareemay dilalka ka dhanka ah Ciidamada Dowladda Federalka ee Soomaaliya, iyadoo waliba xilliyada maalintii la laynayo ciidamo shaqo ku jira oo Hawlmaalmeed gunaya.
Ciidamada la laynayaa kuma koobna kaliya kuwa Bilayska ah, balse xataa waxa la laynayaa kuwa Taraafikada ah, iyadoo ujeeddadu tahay ninkasta oo dirayska ciidanka xidhan in la badhtilmaameedsanayo.
SDN/QJ