Kooxda Al-shabaab Oo Saq-dhexe Weerartay Saldhig Ciidammada Jabuuti Leeyihiin
Jalalaqsi 07. April 2017 (SDN/QJ):- Saraakiisha ciidamada howlgalka midowga Afrika AMISOM, ayaa sheegay in Al-shabaab saqdii dhexe ee Habeen hore weerar ku qaadeen saldhig ciidamadda Jabuuti ku leeyihiin degmada Jalalaqsi oo 140km dhinaca Koonfur uga beegan magaalada Beledweyne ee Dalka Soomaaliya.
Taliska AMISOM ayaa bogga Twitter – ka ku sheegay in Al-shabaab isku dayeen in ay la wareegaan xarun ciidamada Jabuuti ku leeyihiin degmada, hase ahaatee u suurto-geli wayday, kadib markii ay iska caabbin xoog leh kala kulmeen ciidamada Jabuuti.
‘’Al-shabaab waxaa ay isku dayeen in ay la wareegaan xarun ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ku leeyihiin degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, balse waxaa ka hortagay ciidamadii halkaa ku sugnaa.” ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay howlgalka AMISOM’
Degmada Jalalaqsi ayaa ka mid ah deegaannada gobolka Hiiraan oo ay ka howlgalaan ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti oo saldhigooda ugu weyn ku leh magaalada Beledweyne.
Al-shabaab ayaa hore dhowr jeer Weerarro ay xilli habeennimo ah qaadday kula wareegtay Fadhiisimada qaar ka mid ah Ciidammada AMISOM ee ka socda Dalalka Kenya, Burundi iyo kuwo kale.