|

Kooxda Al-shabaab Oo Hadal Aan Looga Baran Ku Dhawaaqay Iyo Dawladda Xasan Sheekh Oo Il Gaar ah ku Eegaysa

Ceel-Buur:16-Feb-2014(SDN)-Ururka Dagaalka kula jira Dawladda Somali ee Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqay go’aan aan marnaba laga fileynin kaasoo ah oo in ay joojiyeen dagaallada tooska ah oo ay la gallayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

 

shabaaabGuddoomiyaha Shabaabka ugu magacaaban gobalka Galgaduud, Xasan Yacquub Cali oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in aaney diyaar u ahayn dagaal ama weerar ay xilligan ku qaadaan dowladda iyo ciidanka AMISOM, balse wuxuu xaqiijiyay in ay is-difaaci doonaan haddii la soo weerarro.

Mar uu ka hadlaayay ciidamo Ethiopian ah oo soo gaadhay Galgaduud, wuxuu tilmaamay in aanu wax ka badali doonin dagaallada ay ku jiraan dowladd iyo ciidanka AMISOM “Waa uu laba jibaarmayaa kaliya dagaalkaasi oo waxba kama Beddelayso Taasi”ayuu yidhi Sheekhu.

Wuxuu shacabka ku dhaqan Galgaduud ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan dagaal billow ah oo lala galaayo ciidamada Ethiopia.

Gobalka Galgaduud ee badhtamaha Soomaaliya waxa uu ka mid yahay gobalada ay deeganno muhiim ka arrimiso Al-Shabaab, waxaana halkaas horre u la dagaallamay ciidamada Ethiopia iyo kuwa Al-Shabaab.

Hadalkan ka soo  Yeedhay Hoggaamiyahan Kooxda Alshabaab ka Tirsan ayaa Noqday mid ay il gaar ah ku eegayso Dawladda KU Meel gaadhka ahi, waxana la Tuhunsan yahay inuu ahaa mid xeeladi ku jirtey oo aan siduu yahay loogu dhaqmi doonin.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed