|

Kooxda Al-shabaab Oo Gaadhi Kasoo Afduubtay Gudaha Waddanka Kenya Iyo Cabsidii Oo Wali Taagan

Mandhera:April,17,2015(SDN/QJ)-Maleeshiyo katirsan Ururka Al-shabaab, ayaa Khamiistii shalay Afduub u geysteen Gaadhi  dad shacab ahi lahaayeen oo rakaab siday.

goreWeerarkan, ayaa ka dhacay deegaanka Carabiya oo qiyaastii 30km u jirta Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari, xilli gaadhiga uu ka amba baxay Magaalada Mandheera, kuna sii jeeday Magaalada Mooyaale.

Gaadhigan oo noociisu uu ahaa nooca ay Somalidu Cabdi Billaha u taqaano, balse dadka u kala qaada Mandheera iyo Mooyaale, ayaa waxaa la socday in ka badan 12 ruux.

Xoogaga Al Shabaab, ayaan waxyeelo u geysan dadkii gaarigaasi la socday, waxayna ku amrayn inay ka daataan, iyagoona gaadhiga ula soo tallaabaday dhinaca Somaliya.

Ciidanka Difaaca Kenya oo gaadhay halka uu weerarku ka dhacay, ayaa waxay ku guul dareysteen inay dib u soo celiyan gaadhigaasi, waxayna dib ugu laabten fadhiisimihii ay ka yimaaden.

Wararka laga helaayo Gobolka Gedo, ayaa waxay sheegayan in Shabaabku ay gaadhiga kala gudbeen deegaanka Cara-case ee duleedka Degmada Beled Xaawo, isla-markaana ay ku sii jeedaan Degmada Baardheere.

Shabaabka, ayaa inta badan gawaadhida ay ka soo qafaashaan dalka Kenya waxay u tallaabiyan dhinaca Degmada Baardheere, halkaasoo ay ku soo bandhigaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed