Kooxda Al Shabaab oo Barta Internetka ee Twitter si toosa uga Baahisay Weerarkii Xarunta UNDPda Muqdisho
Muqdisho June 21,2013(SDN)-Kooxda Al Shabaab ee dhawaanta weerarka dadku ku dhinteen ku qaaday Xarunta magaalada Muqdisho ee Hay’ada UNDP ayaa intii weerarku socday baahisay sida hawlgalku u socdo.
Shababaaka ataa bartooda Twitter ee @HSMPress1 waxa ay eryo ka dhan ah Qaramada Midoobey iyo Mareykanka ku baahiyeen mudo yar ka hor weerarka.
“Qaramada Midoobey oo ka ganacsata Dhimashada isla markaana ah awood Sheydaan ayaa leh sooyaal taariikheed oo aan wax aan aheyn Gaajo iyo isku haleyn iyo been aan faafin”ayaa lagu yiri qoraalka Shabaabka ee Twitter weerarka Hortii.
Weerarku xiligii uu socdayna waxa ay shabaabku baahinayeen kolba halka xaal marayo.
“Mujaahidiinta oo ka kooban todobo oo ismiidaamin ujjeedadoodu tahay ayaa weeraray xarunta UNDPee Muqdisho saacad ka hor waxaaney iminka gacanta ku hayaan Xarunta,dagaalkuna weli waa uu socdaa”ayay baahinta Shabaabku ku bilaabatay.
“Guddaha Xarunta UNDP waxa ku jira ajaanib been loo soo sheegay oo loogu sheekeeyay amaan khayaali ah oo qeyb ka ah barnaamijka marin habaabinta”ayay Shababku Tweet gareeyeen.
Ugu danbeyntiina Shabaabku waxa ay fariin toos ah u direen Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya.
“Nicholas Kay weli ma waxaad qorsheysaneysaa in aad Muqdisho degto bisha dhamaadkeeda?”ayaa shabaabku Tweet gareyeen.
Shababaka ayaan iminka ugu horeyn in ay boga Twitter fariimo caalamka ugu diraan,dhawr goor oo here ayaan boga ay Twitter ku lahaayeen la xiray.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com