|

Kooxaha kulmiye kee baa ku haboon musharax? (Qayba 1Aad) Qalinka Liibana Ismaaciil

Hargeysa:SDN/QJ)-Inkasta oo aan wali la shaacin tirada rasmiga ah ee u sharaxan xisbil xaakimka kulmiye iyo wakhtiga la qaban doono shirka golaha dhexe, haddana waxa soo baxaya warar kala duwan oo sheegaya in ay jiraan loolamo musharaxnimo oo kala kooxaysi ku salaysan.

LIIBAAN ISMAACIILHaddaba iyadoo muuqa xisbigu yahay xisbi qaran haddana waxa si cad u soo if baxaya inuu ku soo koobmay laba beellood taas laftigeeda oo ah gabaabsiga rajada laga qabo in xisbiyadu noqdaan kuwo loo siman yahay oo lagu kala doorto aragti iyo waxqabad.

Taas waxba yaanan ku fogaane ragga farta lagu godayo inay sharaxan yihiin waxa ugu cad-cad gudoomiyaha kulmiye Muuse Biixi Cabdi, wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wasiirkii hore ee maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Inta badan masuuliyiintani waxay xanta siyaasadu tibaaxaysaa inay u xusul duuban yihiin musharxnimada madaxweynenimo inkasta oo la saadaalinayo haddii ay wax is badalaan inay qaarkood isu sharixi doonaan jagada gudoomiyenimo ee xisibiga.

Halka iyadana imika dhawr xubnood oo kale la filayo inay gudoomiyenimada xisbiga u sharaxan yihiin kuwaas oo ay ugu miisaan culus yihiin mujaahid Maxamed Kaahin iyo Xasan Gaafaadhi.

Haddaba iyadoo xaalada iyo duruufta siyaasadeed ee xisbiga kulmiye caynkaas u cakiran tahay isla markaana aan wali la saadaalin Karin cida rasmi u soo bixi doonta maadaama aanay wali wax badani cadayn ayaynu qormadeenan tibaax yar kaga bixin doonaa dhawrka masuul ee ugu firfircoon lagdanka musharaxnimo ee xisbiga kulmiye sawirka inta badan suuqa u yaalla.

Muuse Biixi waa nin in badan ku soo jiray masraxa siyaasada soomaalilaand isla markaana heerar kala duwan ka soo maray, wuxuu imika in muddo ahba gadhwadeen ka yahay xisbil xaakimka kulmiye halkaas oo ay kula soo daristay duruufo badan iyo hujuuno kala duwanba, inta badan Muuse waa cod kar xagga hadalka hase ahaatee waxa falanqeeyaasha siyaasadu sheegaan inay haysato dabeecad dhalan ahaan Alle (swt) uu ku abuuray taas oo ah dabeecad qalafsan iyo tix-galin la’aan xagga bulshada ah sidoo kale inta badan marka xagga siyaasada laga eegana waxay sheegaan inuu leeyahay godobo siyaasadeed oo uu kasbaday intii uu ka midka ahaa jilayaasha masraxa siyaasada.

Haddaba dadka siyaasada odorasaa waxay sheegaan in labadaas arrimood ay dhaawici karaan hankiisa musharaxnimada madaxweynenimo. Maxamed Biixi Yoonis waa nin ku cusub indhaha bulshada iyo saaxada siyaasadaba waxaana bulshada iyo masraxaba ugu horaysay markii loo magacaabay wasaaradda arrimaha dibada ee uu haddeer hogaamiyo, sidaa darteed falanqeeyayaashu waxay ku dhaleeceeyaan inaanu ahayn nin cod kar ah marka loo eeggo nimanka uu la tartamaya, inta badana waxay u xusaan odorasayaasha siyaasadu in mudadii uu xilka wasaaradda hayay inay soo baxday hoos u dhac iyo walaac badan oo laga muujinayo shaqada uu qaranka u hayo taasina waxay keenaysaa inuu haadaan ku dhaco damiciisa kursiga qaranka ugu sareeya maadaama uu la daalaa dhacay xil wasaaradeed.

Maxamuud Xaashi Cabdi oo muddo dheerba ahaa wasiirka duulista isla markana xilal kala duwana hore qaranka ugu soo qabtay wuxuu ka mid yahay dadka shaashadaha siyaasada ka ahaa jilayaasha labaatankii sano ee ugu dambeeyayba waxaanu ka mid yahay dadka balaaqada hadalka ku wanaagsan, mudadaas dheer uu siyaasada ku jiray wuxuu ku yeeshay meersino kala duwan oo lagu tilmaansado isla markaana uu naaneyso ay bulshadu ugu yeedho uu ka dhaxlo.

Dadka siyaasada faaqidaa inta badan waxay maxamuud ku dhaliilaan inaanu is waafajin qawlkiisa iyo ficilkiisa, sidoo kale waxay sheegaan inuu maxamuud yahay wasiirka kaliya ee wasaaradiisa u sameeyay cashuur ka madax banaan qasnada dawlada taas oo aan inta badan la cadayn halka ay ku dhacdo, waxa kale oo ay xusaan dadka siyaasada faaqidaa inuu yahay masuul ay dul hogtaan ceeryaamo musuqmaasuq iyagoo u ku dooda lacagtii madaarada lagu dhisay oo ay sheegaan inaanay is lahayn waxa la qabtay iyo xadiga deeqda iyo tan kale ee cashuurta oo is barkan waxaanay hoosta ka xariiqaan waa falanqeeyayaasha siyaasada’e in arrimahaasi ay dhiig bax ku yihiin himiladiisa musharaxnimo……………..la soco qaybaha dambe.

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com

 

Comments are closed