Kooxaha Falastiin oo Shaaciyay Askari Israa’ili ah oo ay Gacanta Ku dhigeen,Yuhuuda oo beenisay Iyo Tiradii ugu badnayd ee Askarta Israa’il kaga dhigta afar cisho oo dagaal qadhaadh ah
Gaza 21.July 2014 (SDN/QJ)- Maalinimadii Shalay iyo Habeenkii xalay, ayaa aha saacadihii ugu darnaa ee ay Yuhuudda Isra’iil laban-laabeen weerrarada ay ku hayaan Shacabka Muslimiinta ah ee reer Falastiin ee ku dhaqan Qasa iyo hareereheeda, isla markaana ahayd ayaantii ugu dhimashada iyo dhaawaca badnayn 14 cisho oo ay socdeen duqaynta iyo dagaalka Yuhuuddu ku hayso Shacabka Falastiin,Geesta kalena Kooxaha Wax iska Caabinta ee Falastiin ayaa Soo bandhigay askari ka tirsan Yuhuuda oo ay ku qabteen dagaalka iyaga iyo Israa’il.
Waxaana duqaymaha iyo hujuunka Yuhuuddu ay ku wadaan Shacabka Falastiin ay maanta ku dileen in ka badan Todobaatan Falastiiniyiin ah halka saddex iyo toban Israeliyiin Askarteeda ahi, ay ku dhinteen dagaalka Qaza ka socda oo ahaa kii ugu xoogganaa tan iyo markii uu bilowday laba toddobaad ka hor.
Dagaalka ayaa ka socday Xaafada Shejaiya oo dad badan ay deggan yihiin ee Bariga Qaza. Dawladda Falastiin, ayaa ugu yeedhtay dilka Yuhuuddu ku hayso Shacabka Falastiin Xasuuq cad oo badheedh ah.
Isra’iil ayaa sheegtay in saddex iyo toban Askari ay kaga dhinteen Qasa. Guryo badan ayaa ku dumay Shejaiya, kumanaan qofna waxaa lagu qasbay inay ka qaxaan guryahooda.
Dhinaca kale Kooxaha Wax iska Caabinta ee Falastiiniyiinta ayaa Xili danbe oo xalay ah Shaaciyay inay Israa’il indhaha ka lalinayso askari ka tirsan Ciidankooda oo ay Gacanta ku dhigeen hasa yeeshee Waxaa Sheegashadaa beeniyay Ra’isal Wasaaraha Yuhuuda arrintan ayaa Xoog looga dareemay Magaalada Qasa iyadoo dadka ku nooli ay farxad isula soo baxeen halka Masaajidadana laga Oogay Salaatu shugri.
Xabad-joojin waqti gaaban jirtay, ayaa lagu oggolaaday in la gaadho dhaawaca iyo dadka dhintay. In ka badan afar boqol oo Falastiiniyiin ah, ayaa ku dhintay dagaalka iyo duqaymaha Cirka, Badda iyo Dhulka-ba ah ee ay ku hayso Falastiiniyiinta, dhawr kun oo kalena way ku dhaawacmeen, kumannaan kale oo reer Falastiin ahina way ku barakaceen tan iyo intii dagaalka ay Yuhuuddu ku bilawday Shacabka Falastiin oo maanta ay ahayd inta uu socdaa 13-aad, ahaydna maalintii ugu darnayd.
Dalalka Islaamka ee caalamka, ayaan weli jawaabta waajibka ku ah inay ka bixiyaan aan ka bixin Xasuuqa ay Isra’iil ku hayso Shacabka aan hubaysnayn ee reer Falastiin, marka laga reebo dalka Turkiga oo uu Raysal-wasaaraha Turkigu sheegay inaan loo dul-qaadan karin, isla markaana gacmaha laga laaban karin xasuuqa ay Yuhuuddu sida badheedhka ah ugu hayso Shacabka Falastiin ee dhinac walba ay ka gedoomisay Yuhuuddu.
Gaza SDN/QJ