|

Koox Marwo Aamina Waris Hoggaaminayso Oo Madaxweyne Siilaanyo Ku Dirqiyaya Soo Celinta Maareeyihii TV-ga Dawladda iyo Dhaqdhaqaaqyo Daneed Oo Madaxtooyada Jaahwareeriyey

Hargeysa:07-Dec-2013(SDN)-Khilaafkii waayadanba ka dhex taagnaa Wasiirka warfaafinta iyo Maareeyaha Telefishanka qaranka somaliland, ayaa haatan waji cusub yeeshay, isla-markaana khilaaf kale o oculus  ka dhex abuuray Xooggaga ka dhex jira madaxtooyada dalka looga arrimiyo.

aaminaSida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyey ee madaxtooyada ka soo baxa, waxa haatan jira dedaallo cusub iyo dagaal lagaga fal celinayo dagaal dhex yaalla wasiir cukuse iyo agaasimaha Telefishanka xukuumadda, iyadoo Koox dardar qabta oo ay gadh-wadeen ka tahay Marwada madaxweynuhu ku Gooddiyeen in Khadar cali gaas  si deg deg ah loo soo celiyo.

Kooxdan ay hoggaaminayso marwo aamina waris isla-markaana ay ka mid yihiin wasiirrada wasaaradaha Waxbarashada, Ciyaaraha iyo xubno badan oo kale, ayaa haatan u heellan inay shaqadiisa ku soo celiyaan maareeyahan ay is hayaan wasiirkiisa.

Afhayeenka madaxtooyada  axmed Saleebaan Dhuxul oo isaguna safka hore kaga jira dagaalkan lagu soo qaaday wasiir Cukuse, ayaa shirar hoose la lahaa xubno ka mid ah kuwa loo yeedho xilliyada la doonayo in shakhsi Madaxweyne Siilaanyo aanu ka  niyad jabin la tukhaan-tukhinayo, waxana shirkaas oo  shalay ka dhacay huteel ku yaalla caasimadda dhuxul lagaga codsaday inuu keeno Hannaan Hufan oo Maareeyaha shaqadiisa loogu soo celiyo.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa isagu si buuxda ugu qancay inaan si fudud loo soo celinin maareeye Gaas, isagoo garwaaqsaday Hannaankii uu dhawaan wasiir cukuse ugu sharxay qalalaasaha iyo Dulmiga uu Agaasimuhu ku dhex abuuray wasaaradda, waxana uu madaxweynuhu ku  ku qancay in arrintaas si fiican loo eego.

Kooxda ay hoggaaminayso marwo aamiina waris oo ah kuwii hore xerada uga saaray madaxweynahana ku khasbay inuu saxeexo warqaddii Boobe Yuusuf shaqada lagaga eryey, ayaa haatanna la yaacaya waraaqo iyo codsiyo ay ku dalbanayaan in shaqada lagu soo celiyo maareeyaha si shuruud la’aan ah.

Tallaabada ay kooxdani  ku mijo xaabinayso rabitaanka iyo  hannaanka uu madaxweynuhu doonayo in lagu daweeyo Khilaafka wasaaradda warfaafinta, ayaa muujinaya in taladii waddanka qayb ka mid ahi ay gacanta ugu jirto koox haween u badan oo aan waddanka dank a lahayn, isla-markaana kaliya wata oo u adeegaya dano gaar ah iyo khashsiyaad ay  wanaag gaar ah iyo Naas-nuujin ku hayaan.

Madaxweynaha ayaa haatan khaati ka taagan waraaqo iyo codsiyo ay marwadiisu si cadho leh ugu soo gudbinayso oo ay garab waddo habsimi-u-socodkii hawlaha qararnka, waxana la sheegayaa inuu haatan madaxweyne Siilaanyo ku dhiirraday inuu ku adkaysto go’aankiisii ahaa inaan si dhib yar Maareeyahaas shaqada loogu soo celinin ee Xal kale la raadiyo, balse waxa haysta caddaadis iyo dhibaato badan.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed