|

“Koox isku Qabiil ah ayaa Qasriga Madaxtooyada ka talisa” La-taliyihii hore ee Madaxweyne Siilaanyo,Haldoor Barkhad Jaamac Batuun DAAWO

Hargaysa 07.Dec 2015 (SDN/QJ):-La-taliyihii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ee Arrimaha Bulshada iyo Beellaha la hayb-sooco Barkhad Jaamac Batuun oo todobaadkan lagu Waraystay Barmaamujka Geediga Siyaasadda ee ka baxa Telefishanka Somalinewstv,ayaa si qoto dheer u dhaliilay nidaamka maamul ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isagoo farta ku fiiqay inay talada madaxtooyada jaan-gooyaan kooxo tiro kooban oo isku qabiil ahi, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Barkhad Jaamac Batuun
Barkhad Jaamac Batuun oo hadda kamida Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, xubinna ka ah koox beryahan dambe magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ka waday Ololle ka dhan ah qabyaalada, ayaa ka warbixiyey halka uu marayo Barmaamujka ay arrintaas bulshada ka wacyi-geliyaan.

Waraysigan, ayuu sidoo kale kaga hadlay aragtidiisa ku aaddan doorka ay Siyaasadda iyo horumarka kaga jiraan Beellaha uu ka soo jeedo oo inta badan ka cowda Saamiyaadka laga siiyo manaasiibta Dawladda dhexe, Baarlamanka iyo Golleyaasha Deegaannada.

Wuxuu sheegay; “markii la i dhegeysan waayey ee wixii aan Madaxweynaha u gudbinayey socon waayeen ayaan go’aansaday inaan iskay isaga casil0 shaqada”ayuu ku sheegay Waraysigan Barkhad.

Comments are closed