|

Koox Hubaysan Oo Weerarro Ka Geysan Lahaa Maamulka Gal-mudug Oo Gacanta Lagu Dhigay

Galkacyo:July,03,2014(SDN/QJ)-Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxa lagu qabtay koox dablay ah oo doonayey inay Halkaas Weerarro ka Geystaan.

hubeRaggan Gacanta lagu dhigay, ayaa waxaa lagu qab qabtay hawlgal shalay laga sameeyay Koonfurta Magaalada Galkacyo, waxaana lagu hayaa Saldhiga Booliska ee Koonfurta Galkacyo.

Ciidamada Maamulka Galmudug, ayaa waxay shalay hawlgal gaar ah ay ka sameeyeen guryo ku yaala Koonfurta Galkacyo, oo uu ka arrimiyo Maamulka Galmudug, waxayna ka soo qab qabteen niman, aan tiradooda la sheegin oo u diyaar ahaa inay Dilal geystaan.

Taliyaha Booliska ee Maamulka Galmudug Korneyl Cabdi Jaamac Cabdulle (Xabeeb), oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Galkacyo, ayaa wuxuu sheegay inay gacanta ku dhigeen niman si dhow loola xidhiidhinaayo Al Shabaab.

Taliyaha, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay heleen macluumaad la xidhiidha nimankan, isla-markaana ay sameeyeen hawlgal ay kaga hortagayeen dhibaato ay ka geystaan Galkacyo.

Kooxdan la qabqabtay oo  wali la sheegin tiradooda rasmiga ah iyo hannaanka ay doonayeen inay weerraradooda u fuliyaan, ayaa warkooda laga helay kaliya Dhinaca Booliska, mana jiraan cid intaas ka madax bannaan oo war rasmi ah bixisay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed