|

Koox Fanneedka Xidigaha Geeska oo Xilkii ka qaaday Gudoomiyahoodi,Isla markaana Doortay Hogaan Cusub iyo Abwaan Laabsaalax oo Sheegay inuu is Casilay

Hargaysa 16,May 2016 (SDN/QJ):- Kooxada xiddigaha geeska oo ah koox faneed ka dhisan magaaladda Hargaysa ayaa sida uu Sharci hoosaadka u yaalaa uu dhigayo labadii sanaba doorata maamul mudo laba sanadood ah hogaamiya kooxda, sidaa daraadeed shir ka qabsoomay xarunta kooxda xidigaha geeska ee magaaladda haragaya islamarkaana ay kasoo qeyb galeen 22 xubnood oo ka mida xubnaha koox da xiddigaha geeska waxa halkaasi sida sharciga kooxdu dhigayo lagu doortay hogaanka kooxda xiddigaha geeska hogaamin doona mudada labada sano ee soo socota

xidigaha geeskaWaxaana halkaasi gudoomiyaha kooxda xiddigaha geeska ee labada sano ee soo socda si rasmiya loogu doortay Axmed wali ibraahim Maxamuud{ furine} , oo ay cod gacan taag ah ku dorteen 21 xubnood oo shirka kasoo qeyb galay, sidaana uu xilkaasi ugu ansaxay isagoo hore u ahaa gudoomiye ku xigeenka kooxda xidagaha geeska.

Halka sidoo kale gudoomiye ku xigeen loogu doortay Maxamed Axmed Bakaal {cirro} oo 22 xubnood cod gacan tag ahi ugu doorteen xilkaasi siagoo hore u ahaa xog hayaha kooxda xidaha geeska, waxa sidoo kale xog hayaha kooxda xidagaha geeska loogu doortay Cabdiraxmaan Caydiid Cabdi {oday} taas oo 21 xubnood ay xilkaasi ugu doorteen isagoo hore u ahaa madaxa abuubulka kooxda xidagaha geeska.

Sidaa daraadeed gudoomiyihii hore ee kooxda xidagaha geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul {laabsaalax} isagoo ku mahadsan xilka uu soo hayay muddo laba xilliyeed horumarkii iyo guulihii uu gaadhsiiyay kooxda waa mid karaamo iyo qadarin ku leh kooxda dhexdeeda.

Allaa Mahad leh

  1. Axmedweli Ibraahin Maxamuud
  2. Sidiiq Maxamuud Gahayr
  3. Maxamed Siciid C/laahi (Xarrago
  4. Maxamed Siciid Cabdi (Bk)
  5. C/risaaq Xaamud Caydiid (Jaylani)
  6. Maxamed Miyir Xaaji
  7. Sidiiq Maxamed Burmad
  8. Guddiga Agaasinka Kooxda Xiddigaha Geeska (BOD)

LAABSAALAXDhanka Kale Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo Qoraal Kooban soo dhigay Boga uu ku Leeyahay Shabakada Facebook ayaa sheegay inuu iska Casilay Xilkii Gudoomiye-nimo ee Koox fanneedka Xidigaha Geeska isagoo biniixiyey in Mudooyinkanba uu Khilaaf ka dhex taagnaa Kooxda uu Gudoomiyaha u ahaa qoraalkiisa ayaa u dhignaa Sidan

“Kooxda Xidigaha Geesku Waa Koox Ku Dhisan, Nidaam Sharciya islamarkaana Leh Qawaaniin Ay isku Maamusho.

Hadaba iyadoo Kooxda uu Muran Ka Taagnaa in Muda ah. Ana Aan ka Maqnahay dalka waxaan Shacabka Ku Xidhan Kooxda iyo Xubnaha Kooxda u Cadaynayaa In aan Si Rasmiya iskaga Casilay Xilkii Gudoomiyenimo, Maamulkii iyo Xubnihii kooxda ahaa sida wacan iila Soo Shaqeeyayna Waan u Mahadcelinayaa.

Comments are closed