Koonfurta Sudan: Qorshayaasha Caruurta lagu Ciidamaynayo oo la Cambaareeyey
Jubba, 19 December 2016 (SDN/QJ): – Warbixinaha ka soo baxaya Qaramada midoobay waxay sheegayaan in bilowgii bishan la qafaashay 50 caruur ah dalka K/Sudan kuwaas oo goor dambe la geeyey xeryo ciidan oo ku yaalla gobolka niilka sare si loogu tababaro ciidamada.
Warbixintu waxay sheegtay in ugu yaraan 100 caruur ah isla bishan December gudaheeda lagu ciidameeyey meelo kala duwan oo ka mid ah wadankaasi, iyadoo ay hawsha ciidamaynta ka dambeeyaan kooxo hubaysan, waxana wararkani soo baxayaan iyadoo hay’ada xanaanada caruurta ee UNICEF ay dadaal ugu jirto sidii ay caruuraha noocaas ah uga soo saari lahayd xeryaha iyo saldhigyada ciidamada uguna soo celin lahayd noloshoodii caadiga ahayd si ay u sii wataan waxbarashadooda ulana noolaadaan ehelkooda.
Iyadoo haatan laga joogo muddo Sadex sanadood ah oo buuxda markii ay colaada K/Sudan qaraxday ayaa waxa weli sii socda caruurta ciidamada khasabka lagu qorayo, iyadoo caruurtu yihiin mid ka mid ah dhinacyada ay colaadahaasi saamaynta ugu xun ku yeesheen,sida ay sheegtay hay’adda UNICEF.
Gabadha hay’ada UNICEF u qaabilsan bariga iyo badhtamaha Afrika Leila Gharagozloo-Pakkala ayaa todobaadkan dhamaadkiisii waxa ay sheegtay in caruurta la ciidamaynayaa ay tahay arin faraha ka sii baxaysa xiligan gudaha jamhuuriyada K/Sudan, waxana iyadoo arintaa ka hadlaysa ay tidhi sidan: ‘Sanadkan 2016 waxaanu haynaa liiska 1300 caruur ah oo si khasab ah ciidamada loo qoray, iyadoo tan iyo markii uu khilaafku ka bilaabmay K/Sudan la adeegsaday caruur gaadhaysa 17.000 oo ubad ah, xiligan oo ay colaaduhu sii kordheena caruurtu weli waxay hadaf u tahay kooxaha hubaysan oo doonaya inay u dagaalamaan’ iyadoo Leila intaa ku dartay in dhamaan balanqaadadii dhinacyada kala duwani ka sameeyeen ilaalinta xuquuqda caruurta aan wax muuqda laga fulin.
Labadii sanadood ee u dambaysay hay’adda Unicef waxay dhaqancelin ku samaysay in ku dhow 2000 oo caruur ah oo ku nool wadankaasi, waxana ay weli werwer ka muujinaysaa hay’adu xadgudubyada ka dhanka ah caruurta ee soo kordhi kara markasta oo hanaanka siyaasadeed iyo ka ammaan ee K/Sudan uu sii xumaado
Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka Dalka Koonfurta Sudan Taban Deng Gai ayaa waxa uu ku baaqay in la dhaqangeliyo cadaalad iyo isla xisaabtan lagu samaynayo dadka colaadaha ku xadgudba, talaabooyinkaas oo uu ku sifeeyey in jidka loo marayo fulintooda ay xanuun badnaan karto laakiin ay aasaas u yihiin inay timaado midnimo iyo wadajir umadda dalkaasi yeelato.
Hadalka Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ku soo beegmay maalin ka dib markii ay Qaramada Midoobay ka dalbatay Ururka Midnimada afrika in la dhiso gudidi si degdeg ah baadhitaano ugu samaysa xadgudubyada iyo gaboodfalyada dagaal ee ka dhacay jamhuuriyadaasi mudadii sadexda sanadood ahayd ee ay colaadu ka aloosnayd.