|

Koonfurta Sudan oo ka jawaabtay eedaymo kaga yimi dawladda Sudan

Juba 28, April 2012 (Qurbejoog.com)- Dawladda Koonfurta Suudaan, ayaa jawaab kulul ka bixisay eedaymo kaga yimi dawladda Sudan oo la xidhiidha in ciidanka xukuumadda Juba ay waxyeeleeyeen goobta Shidaalka qaniga ku ah ee magaalada Heglig oo iska horimaadyo ka dhaceen.

Madaxweynaha South Sudan Silva Kiir oo eedaymaha dawladda Khartoum ka hadlay, waxa uu sheegay in ay iyagu leeyihiin Heglig oo ay u yaqaanaan magaca Panthou.

Mr. Kiir waxa uu sheegay in maadaama ay Koonfurta Suudaan leedahay magaalada Heglig oo qani ku ah saliida, qiyaas ahaana in kala-badh ka badan wax-soosaarka saliida ee maalintii uga soo baxdo dawladda Khartoum, aanay suurtogal ahayn inay ciidankiisu waxyeelo u geystaan.

Heglig waxa muddo toban maalmood ah horaantii bishan April gacanka ku hayay ciidanka SPLM ee dawladda Koonfurta Sudan.

Eedaymaha iyo jawaabta labada dhinac iswaydaarsadeen ka sokow, waxa jira sawiro dhinaca cirka laga qaaday goobtaas khayraadka laga qodo, kuwaasoo muujinaya waxyeelooyin culus iyo burburin la gaadhsiiyay.

Dhawrkii todobaad ee u dambeeyay, waxa jiray iska horimaadyo dhexmaray labada dal, iyadoo diyaaraddaha dagaalka ee dawladda Sudan ay duqaymo khasaare dhaliyay dhawr jeer ku gaysteen goobo gudaha u ah dalka South Sudan oo sannadkii hore ka go’ay dal-waynaha Sudan intiisa kale.

Qurbejoog.com, Juba

Comments are closed