|

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo diiday ka qeybgalka shirka Culimada

Mogadishu July 29, 2024(QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka sanadlaha ah ee Culimada Soomaaliyeed.

Shirkan oo ay sanadkan isugu imaanayaan culimo Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyadoo halku-dhiggiisu yahay “Soomaaliya Midowda ah”.
Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Koonfur Galbeed ayaa diiday ka qeyb galka shirka, iyagoo ku sababeeyay la tashi la’aan, sidoo kale Galmudug ayaa dhawaan diiday ka qeyb galka shirka.
Shirkii culimada ee sanadkii hore ayaa lagu bogaadiyay dadaallada lagu xoreynayo dalka iyo dagaalka lagula jiro Al Shabaab. Culimadu waxay isku raaceen in dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah uu yahay Jihaad, qofkii halgankaas ku dhintana uu shahiid yahay.

Comments are closed