|

“Konton Kun oo Ubadka Soomaaliyeed ah ayaa khatar ku jira” Madaxa ugu Sareeya ee Qaramada Midoobay ee Gargaarka

Muqdisho 25.Feb 2014 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay deeq-bixiyeyaasha inay fuliyaan ballan-qaadyadii gargaarka ee ay u sameeyeen dowladdiisa, halka Qaramada Midoobay ay codsatay lacag gargaar ah, iyadoo sheegtay in 50,000 oo carruur Soomaali ah ay khatar ugu jiraan inay u dhintaan nafaqo-darro.

Philippe-LazzariniPhilippe Lazzarini oo ah madaxa ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee qaabilsan gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya ayaa Talaadadii maanta sheegay inay liidato xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya, balse aan lala barbardhigi karin macluushii dalka ka dillaacday sanadkii 2011.

Qaramada Midoobay ayaa waydiisatay deeq-bixiyeyaasha lacag dhan $933 milyan oo ay u rabto howlgallada bini’aadannimo ee ay ka sameyneyso Soomaaliya sanadkan.

Wuxuu sheegay in deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ay lacag yar soo gaarsiiyeen Soomaaliya, maxaa yeellay waxay ku mashquulsan yihiin sidii wax looga qaban lahaa mashaakilaadka ka taagan Syria, Koonfur Sudan iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Deeq-bixiyeyaasha ayaa walaac ka muujinaya xatooyada iyo musuqmaasuqa lacagta gargaarka ee loogu talagalay Soomaaliya.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed