Komishanka iyo Axsaabta Siyaasadda oo sawir ka bixiyey marxaladda Kala-guurka ee wakhtigan iyo saamaynta ay ku yeelan karaan Doorashooyinka kal dambe
Hargaysa 29.Oct 2014 (SDN/QJ)-Guddigii hore ee Doorashooyinka Somaliland oo shantii sanno ee u dambaysay soo-hagayay nidaamka doorashooyinka Somaliland isla markaana dalka ka soo qabatay labada doorasho, ayaa muddo-xileedkoodu ku egyahay maanta oo bishu tahay 29-ka October, iyada oo aan wali la asixin xubnaha Guddiga cusub ee Doorashooyinka oo dhawaan madaxweynuhu u gudbiyey Golaha wakiillada.
Xubnaha Komishanka Doorashooyinku wakhtigoodu dhammaaday oo sannadkii 2009-kii loo doortay Guddiga, ayaa muddadii ay hoggaaminayeen Komishanka, waxa ay dalka ka qabteen laba doorasho oo muddo 2 sanno ah kala horeeyey, iyada oo doorashada hore ahayd tii Madaxtooyada ee sannadkii 2010-kii oo madaxweyne Siilaanyo ku fuulay kursiga, halka ta labaadna ahay Doorashadii Goleyaasha deegaanka oo sannadkii 2012-kii ka qabsoontay dalka. Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dalka, ayaa muddo-xileedkoodu ku egyahay Shan sanno, sida ku xusan dastuurka dalka.
Guddigan Cusub oo madaxweynuhu dhowaan u gudbiyey Golaha Wakillada, ayaa qorshuhu ahaa in lagu ansixiyo fadhi aan caadi ahayn oo Golaha wakiilladu yeesheen Axaddii todobaadkan, haseyeeshee fadhigaas ayaa kooram la’aan u qabsoomi waayey, ka dib markii ay Golaha ku kaliyeysteen dhowr iyo toban xildhibaan oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha wakiillada ugu jira Xisbiga Waddani, iyada oo xildhibaannada muxaafadka ah oo haystay aqlabiyadda mudaneyaasha aanay fadhiga ka soo xadirin.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland ee wakhtigoodu dhammaaday Maxamed Axmed Geelle oo Wargeyska Himilo Xalay wax ka weydiiyey dhammaadka muddo-xileedkooda iyo hawlaha ku gedaaman, waxa uu yidhi, “Muddo-xileedkayagu wuxu ku eeg-yahay berri (maanta) oo ay bisha October tahay 29.” Sidaa ayuu yidhi Geelle oo ka jawaabayey su’aal aannu ka weydiinnay wakhtigooda dhammaanaya.
Guddoomiyaa Guddiga doorashooyinka ee wakhtigooda sharciga ahi maanta dhammaaday Maxamed Axmed Geelle oo aan sii weydiinnay maaddaama oo wakhtigoodi dhammaaday, isla markaana Guddigii beddeli lahayd aan weli la ansixin oo muran-ba ka taagan yahay Golayaasha, sida uu xaalku noqonayo, waxa uu yidhi; “Horta, Annagu waannu sugaynaa uun. Run ahaantii waxaannu immika fulinaynaa ma jirto, laakiin waannu sugaynaa inta la soo ansixinayo (Guddiga cusub), waannu sugaynay muddaba, markaa illeen meesha bannayn mayno ee xataa dawladda waannu isku ognahay inaannu sugno inta la soo ansixinayo Guddiga cusub, dabadeedna aannu xilka si fiican ula kala wareegno.”
Sidoo kale, Mr. Geelle oo ka jawaabayey su’aal aannu ka weydiinnay, inay muddooyinkii dambe wadeen halaha loogu diyaar-garoobayo doorashooyinka iyo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo hawlahaasi sii socdaan oo ay wadaan iyo inay joojiyeen, waxa uu yidhi; “Qorshaha badankiisii waannu soo dhammaynay, laakiin intii u dambaysay waxaannu la sugaynay Komishanka cusub ee imanaya si uu isagu halkaas ka ambaqaado oo u sii wado.”
Mar la sii weydiiyey Guddoomiyaha Guddiga shaqada ka tegaya ee doorashooyinka inay taasi ka dhigan tahay inaanay jirin guud ahaan haba-yaraatee wax shaqo ah oo sii wadaan inaanay jirin iyo inay jiraan hawlo muhiim ah oo wakhtigu ka soo gaadhay, waxa uu yidhi; “Haa, immika ahaan waxaannu wadnaa ma jiro. Berri (maanta 29 October 2014) wixii ka dambeeya wax aannu fulinaynaa ma jiraan. Markaa, waa la isla wada-gartay Qaadhaan-bixiyeyaasha, Hay’adihii nala shaqaynayay iyo xataa dawladda waxaannu isla garnay hawlaha socday halkaas ku hakinno inta Guddiga cusub ee doroashooyinku imanayaan ee ay hawsha la wareeayaan.”
Ugu dambayntii Maxamed Axmed Xirsi Geelle oo ka jawaabayey su’aal aannu ka weydiinnay in hakintaas lafteedu caqabad ku noqon karto habsami-u-socodkii hawlaha doorashooyinka sannadka soo socda dalka inay dhacaan, waxa uu yidhi; “Horta, joojin maaha ee waa hakin, waa Gaadhi aad waddo oo aad joojisay oo qof kale Isteerinka qabtay oo dhaqaajiyey oo kale, kolkaa wax caqabad ah oo sidaa u weyni ma imanayso. Kolkaa waannu sugaynaa oo illaa inta la ansixinayo Guddiga cusub waannu sugaynaa illeen carari maynee waa in si xishmad leh xilka loola kala wareegaa.”
Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf oo aanu dhinacooda wax ka weydiinnay sida ay u arkaan muddo-xileedka guddiga doorashooyinka ee dhammaaday iyada oo aan la ansixin xubnaha guddiga cusub ee beddeli lahaa, waxa uu ku jawaabay, “Arrintaasi waa mid loogu talo-galay, kuwan immika joogana xafiiskaaba laga xidhay oo shaqadaa laga joojiyey iyagoon wakhtigoodii wali ka dhammaan, kuwii cusbaa ee shalay hawl-gali lahaana xukuumadda oo adeegsanaysa xildhibaanno leh muxaafidbaanu nahay oo siyaasadda madaxweynahaannu taageersannahay, ayaa si ula-kac iyo badheedh ah uga yimi in la ansixiyo.
Carqaladaha doorashada dib loogu dhigayo ee muddo-kordhinta ayuunbay ka wada mid tahay soo-celintan xeerka ee Salaabeen-gaal aanu xaqa u lahayn inuu soo celiyo, Komishankan la ansixin waayey, xeerkan immika lix bilood oo dha-dhaw la war-wareejinayo; waxaas oo dhami waxay ku wada-wajahan yihiin inaan dalka doorasho ka dhicin si muddo-kordhin loo sameeyo.”
Cali-guray oo la weydiiyey xalka xisbi ahaan ay u arkaan in lagaga gudbi karo caqabadaha uu xusay eek u gedaaman doorashooyinka, waxa uu ku jawaabay, “Waxay u baahnaan lahayd madaxweyne daacad ah oo soo jeeda. Waxaan xusuusanahay wakhtigii Daahir Rayaale uu madaxweynaha ahaa isaga oo 54 xildhibaan leh, ay labada gole ee baarlamaanku saddex-daloolow laba isku raaceen inaanay dalka doorasho ka dhicin, sharci ahaanna markaa waxay ahayd Daahir Rayaale inuu sidaas ku aqbalo waayo kumuu celin karayn xeerka aqlabiyaddii labada gole ansixiyeen.”
Cali guray oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Maanta qoladan baarlamaanka ee joogta waxa la doortay shan sanno, immikana toban sanno ayay joogaan, waxan ay wadaanna waa in tobankaa sanno iyo wax ka badan ay sharci-darro ku sii fadhiyaan. Maanta haddii ay tooda noqoto, dalku wuxuu galayaa xaalad mugdi ah oon la garanayn, Somaliland waxay haybad iyo sharaf hore u soo shaqaysatay ee in badan la lahaa ku-dayashay leedahay, waxay qoladani ka dhigayaan hal bacaad lagu lisay. Markaa waxa laysugu tagayaa waa doorasho la’aan, haddii doorasho la’aan laysugu tagona doorkan xaalku siduu noqonayo ma jirayo. Haddii labadan arrin la dhaafi kari waayo maalmaha soo socda, markaa waxay u baahanaysaa in talo- kale la gaadho, markaa waxay noqonayaa ninkii rooni reerka ha u hadho.” Sidaas ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf.
Hoggaanka sare ee Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo aanu xalay wax ka weydiinnay muddo-xileeedka dhammaaday ee guddiga doorashooyinka iyo sida ay u arkaan muranka ka taagan ansixinta guddiga cusub, ayaa gebi ahaan ka gaabsaday inay wax ka yidhaahdaan arrintan.
Hargaysa SDN/QJ
Xigasho Wargayska Himilo