|

Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Mudo Bilo ah Ka Dib Mar kale Dib u Iclaamiyey Bilaabida Diwaangalinta Codbixiyaha,Kana Hadlay Eedaymo Musuq Maasuq DAAWO.

Hargaysa 10.Dec 2015 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa maanta ka hadlay Halka uu Marayo Hawsha Iyo Qabsoomida Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo La’aanteed aanay Wax Doorasho ahi dalka ka hirgalayn.
Gudoomiyaha oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Komiishanka ayaa Sidoo kale dhinac isaga Leexiyey Waxqabad la’aan lagu dhaliilay Mudadii Sannadka ahayd ee ay Hogaaminta Gudida Doorashooyinka hayeen,Isagoo Sheegay inay Dhawaan soo bandhigi doonaan Waxyaabihii u Qabsoomay oo Maqal iyo Muuqaalba isugu Jira.

Comments are closed