|

Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Afka ka Xidhay in ay ka Hadlaan Go’aanka lagu Joojiyey Diwaangalinta Codbixiyaasha

Hargeysa, 31 March, 2016-(SDN/QJ):–Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa laga sugayaa in ay si cad uga hadlaan Mawqifka ay ka taagan yihiin Dib u dhigida Diwaangalinta Codbixiyasha Doorashoyinka Somaliland, inkasta Komishanka Doorashooyinka Somaliland ay goob joog ka ahaayen Meeshi lagu gaadhay go’aanka ah in dib loo dhigo diwaangalinta basle kamay hadal Warbaahinta taasi oo keentay shaki ah in aanay komishanku raali ka ahayn in dib loo dhigo balse go’aankoodii labada Xisbi ee Kulmiye iyo Ucid ay ka faramaroojiyen.

Xubnaha Komiishanka SomalilandXukuumada Somaliland, golayaasha qaranka  iyo laba ka mid ah xisbiyada qaranka somaliland   ayaa sheegay inay isla qaateen in dib loo dhigo diwaan gelinta codbixiyayaasha somaliland oo sadexdii bilood ee ugu danbeeyey ka socotay dalka, halka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani uu sheegay inaanu marna ogolaan doonin in la joojiyo diwaan gelinta dalka ka socotay.

Xoghayaha guud ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa guddida doorashooyinka ku eedeeyey inay dib u dhigista diwaan  gelinta u yeedhiyeen labada xisbi ee Kulmiye Iyo Ucid, taas oo su’aal gelin karta qaabka ay guddidaasi si madax banaan u gudan karto hawlaha culus ee u yaala.

 

Dhinaca kale wararka laga helayo guddida doorashada ayaa sheegay inay iyagu diyaar u ahaayeen inay diwaan gelinta ka qabtaan gobolada hadhay oo uu ugu horeeyo gobolka Maroodijeex, kaas oo ay diyaariyeen dhamaanba agabkii iyo shaqaalihii looga baahnaa goobaha diwaan gelinta, isla markana Diyaar garowga hashaasi ay lacag badani ku baxday.

 

Si kastaba ha ahaatee shacabka somaliland ayaa si weyn ugu dhag taagaya halka ay guddida doorashadu ka istaagto go’aanka ay isla qaateen golayaasha qaranka iyo labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid, iyada oo hawsha ay go’aanka ka gaadheena ay tahay midi loo igmaday guddida doorashada, isla markaana go’aan ka gaadhisteeda ay iyagu leeyihiin.

Comments are closed