Komiishanka Oo Shaaciyey In Dalka La Keenay Qalabka Lagu Farsameeyo Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashooyinka
Hargaysa 01. December 2016 (SDN/QJ):-Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Dalka keenay Qayb ka mid ah Qalabka lagu farsamaynayo Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashooyinka soo socda ee Somaliland.
Sidaana waxa Shaaciyey Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo isaga iyo Xubnaha Guddidaasi Maanta Shir-jaraa’id ku qabteen Magaalada Hargeysa.
“Maanta waxa hortiina yaalla qayb ka mid ah qalabkii lagu daabacayey kaadhadhkii codeynta, kuwaas oo lagu tobabari doonno shaqaalaha hortiina joogaa.” Ayuu yidhi, Guddoomiyuhu waxaanu intaa ku daray, “Marka qalabkaasi soo dhamaystirmo ee shaqaaluhu tababbarka qaataan waxa bilaabaya daabacaddii Kaadhadhka”
Guddoomiyaha Komiishanku waxa kale oo uu sheegay in Xubnaha Komiishanku ay Gobollada Dalka u kala bixi doonaan, “Komsihanka doorashooyinkuna bari iyo galbeed ayey u kala bixi doonaan, waxaana jaamacadaha laga soo qorayaa ardaydii qaybin lahayd kaadhadhka” ayuu yidhi.
Qalabta Waxa ku tababbaraya Shaqaalaha Komiishanka Khuburo Ajaanib ah oo Komiishanku ka soo kireystay Dal-dibadeed.