Komiishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Ka Hadlay Afduubka Maamulka Puntland Kula Kacay Qaar Ka Mida Xubnaha Guddida Doorashooyinka.
Hargeysa,19Oct,2015(QJ/SDN)-Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa ka hadlay markii ugu horeysay qaar ka mid ah guddida doorashooyinka Somaliland qeybteeda Ceerigaabo oo shalay maamul Goboleedka Puntland afduubtay.
Sidaa waxa lagu Sheegay warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay afhayeenka Komishanka doorashooyinka Somaliland Siciid Cali Muuse oo nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyay Xafiiska Shabakada Wararka ee Hayaannews ee Magaalada Hargeys.
Warsaxafadeedkaas oo dhameystiran waxa uu u dhignaa sidan:
“Republic Of Somaliland Jamhuuriyada Somaliland National Electoral Commission Guddida Doorashooyinka Qaranka Taar: 19/10/2015 Ref: PR/134NEC WAR-SAXAAFADEED
Maalintii Shalay oo ay Bisha Oktoobar ahayd 18/2015, waxa si lama filaan ah loogu qabsaday meel u dhexaysa Yuube iyo Hadaaftimo, koox ka socotay wacyigalinta diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo masuuliyiin ka tirsan KDQ heer gobal ah, oo ka ambabaxday magaalo madaxda gobolka Sanaag. Masuuliyiinta hawshan waday waxay siteen warqada qoraal ah oo lagu wargalinayey shaqada ay u qabanayaan KDQ. Warqadan oo ka soo baxday KDQ, kuna socotay dhamaan; – Gudoomiyayaasha Gobolada dalka. – Maayarada Gobolada dalka. – Gudoomiyayaasha komishanka heer gobal. – Gudoomiyayaasha komishanka heer degmo – Iyo masuuliyiinta kale ee heer gobol iyo mid degmaba ah. Ka hor bixixitaankii masuuliyiinta xagga Sanaag bari, waxay masuuliyiintu la shireen, maamulka heer gobal iyo degmoba Ceerigaabo una gudbiyaan fariinta ay ka sidaan KDQ. KDQ markuu la xidhiidhay, Suldaanka guud suladaan Saeed Suldaan Abdislaan suladan Ali shire, maamulka gobalka iyo masuuliyiintii hawsha waday waxa ay xaqiijiyeen in la soo af jaray hawshaa, masuuliyiintiina dib ugu soo laabteen magaalada Ceerigaabo