Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo Shaaca ka Qaaday in la Xayirayo Baraha ay Bulshadu ku Kulanto & Digniin adag oo ay u Direen Xisbiyadda Qaranka DAAWO
Hargaysa 10 November 2017 (SDN/QJ):-Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Maanta Shaaca ka qaaday in Guud ahaan la Xayiri doono Baraha ay Bulshadu ku Kulanto Maalinta Codbixinta Doorashadda ilaa ay soo baxayso Natiijada Doorashadda ee Komiishanka.
Afhayeenka Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Siciid Cali Muuse iyo Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Eng C.qaadir Iimaan Warsame oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in barkulanada bulshada ee Internetku ay Xidhnaan doonaan Ilaa ay ka soo baxayso natiijadda Doorashadda Madaxtooyadu,Waxaa kale oo ay Digniin u direen in Maadaama uu Ololihii Doorashadu soo dhamaaday aan la arki Karin astaamaha Xisbiyada oo lala gaaf wareego Magaalooyinka dalka.