Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo Kulan la Qaatay Wefti Ka Socday Ingiriiska oo uu Hogaaminayo Wasiirul Dawlaha Africa & Waxyaabihii laga wada hadlay
Hargaysa 21. August 2017 (SDN/QJ):- Kulan muhiim ah oo uu hogaaminayay Komishaneer CabdiFatax Ibrahim Sheekh oo ka qabsoomay xarunta KDQ, Kulankan oo ahaa kulan muhiim ah waxuu KDQ la yeeshay Wafti ka socda dalka Ingriis oo uu Hogaaminayo Wasiir Rory Stewart oo ah Wasiiru dawlaha Horumarinta iyo Arimaha Debada ee qaabilsan Africa iyo Waddamada Barwaaqo soorka ah.
Kulanka oo looga hadlaya arimaha Doorashooyinka. Waxa ugu horeyn soo dhaweyn ku qaabilay waftigan uu hogaaminayay wasiir Rory Stewart kana mid ahaayeen xubno ka Socday DFID UK Somalia & Somaliland, FCO xubno ka socday Komishaneer Cabdifatax Ibrahim. Soo dhaweyntaas ka bacdi, waxa si wadajir ah uga warbixiyay hawlaha kaadh qaybinta ee ka socota gobolka Sool iyo Sanaag madaxa hawlgalka KDQ mudane Saciid Maxamed X. Cisman sidookalana u guud maran sida habsamida leh ee ay uga soo qabsoontay afartii gobol ee Awdal,Maroodijeex, Saaxil iyo Togdher. Maxaa sidoo kale halkaas warbixin ku saabsan diiwaan galinta iyo doorashooyinka inagu soo fool leh ka hadlay madaxa Diiwaangalinta KDQ mudane Ibrahim Diiriya.
Intaas ka bacdi waxa komishaneer Cabdidatax si habsami ah uga war bixiyay doorashada inagu soo fool leh 13/11/2017 ka waxaanu sidoo kale ku amaanay waftigan sida UK uga qayb qaadato arimaha doorashooyinka si gaar ahna ugu mahad celiyay in ay ka bixiyeen KDQ qalabkii daabacaada kaadhadhka codbixinta , oo maanta inoo suurto galiyay in aynu si wanaagsan oo aan warwari ku jirin ugu daabacano dalka gudihiisa siiba xarunta KDQ dhamaan kaadhadhkii codbixinta, sidoo kalana qalabkaasi uu maanta inoo yaalo xarunta KDQ lagana maarmi doono in dibada mar dambe loo doonto kaadhadh .
Gabagabadii waxa eriyo kooban halkaas ka soo jeedshay wasiirku doolaha horumarinta iyo arimaha debada ee qaabilsan Africa Mr. Rory Stewart. Wasiirka oo ku amaanay Somaliland sida ay hawlahooda u maamulaan, KDQ kana uga mahad celiyay sida habsamida iyo xilkasnimadu ka muuqato ee ay hawsha u wadaan. Sidoo kalana ugu balan qaaday in ay ku dadaalayaan in ay garab istaagaan sidii ay u qabsoomi lahay doorashada 13/11/2017.
Gabagabadii waxa halkaas la soo mariyay waftigii qaybta daabacaada kaadhadhka iyo tirinta kaadhaka codbixnta ee KDQ.
Kulankan oo ku soo dhamaaday waji qurux badan iyo isfahan axa uu mar labaad ugu mahad ceshay komishaneer Cabdi fataax kaalmada iyo waxtarka ay siiyaan KDQ.