|

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo Ganaax iyo Digiin u diray Labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani,Xukuumadana u soo Jeediyey in Loo Sinaado Warbaahinta Qaranka Kana Digay Gaadiidka Dawlada ee la adeegsado Muuqaal dhan DAAWO

Hargaysa 21. July 2017 (SDN/QJ):- Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Kulan ay ku Yeesheen Xaruntooda Magaaladda Hargaysa waxay digniin iyo Ganaax u direen labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani oo Jebiyey Xeerka anshaxa kaadh qaybinta Codbixiyeyaasha,iyagoo u bedelay hannaan olole Siyaasadeed.

Waxa ay Komiishanka Doorashooyinka Qaranku u soo Jeediyeen Xukuumadda inay ku daba gasho xisbiyada sidii ay u sugi lahayd amniga qaranka isla markaana ay Joojiyaan in Gaadiidka dawlada iyo shaqaalaha dawladuba ay ka reeban tahay in lagu galo Olole Siyaasadeed maadaama ay Yihiin hanti qaran.

Waxa kale oo Komiishanka doorashooyinku Ka dalbadeen Xukuumadda in Sadexda Xisbi qaran ay u sinaadaan Warbaahinta ay dawladu maamusho sida Idaacada Radio Hargaya,Iyo Telefishanka qaranka.

Waxaannu Masuuliyiinta Guddiga doorashooyinka iyo Anshaxa Shirkooda Jaraa’id go’aammada ay ka akhriyeen, Digniinta ay ka direen iyo Lacag Ganaax ah oo ay sheegeen in laga rabo labadaas Xisbi oo wax laga weydiiyey xaddigeeda, balse ay ka gaabsadeen, iyagoo ka hadlaya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed