Komiishanka Doorashooyinka oo Xisbiyadda Qaranka uga Digay inay Sameeyaan Dabaal Degyo ay Ku Sheeganayaan Guusha Doorashadii Madaxtooyadda DAAWO
Hargeysa 15. November 2017 (SDN/QJ ):-Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo Kulan Warbaahineed maanta ku qabtay Xaruntooda Caasimadda dalka ee Hargaysa ayaa uga Digay Xisbiyadda Qaranka inay sameeyaan Dabaal Degyo ay Guul ku sheeganayaan ka hor inta aanay Komiishanku ku dhawaaqin Natiijadda Doorashadda Madaxtooyadda.
Afhayeenka Guddida Doorashooyinka qaranka Siciid Cali Muuse ayaa sidoo kale waxa uu qaybo ka mid ah Jaaliyadaha Somaliland ee Ku dhaqan dalka dibadiisa ku adkeeyay in aanay samayn wax Xaflado ah ay ku sheeganayaan in Xisbiga ay Taageersan Yihiin uu Guulaystay.