Komiishanka Doorashooyinka oo Mudeeyay Wakhtiga ay qabsoomayso doorashooyinka Madaxtooyada,Baarlamanka iyo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha {DHAGAYSO}
Hargaysa 07.Dec 2013 (SDN)- Gudida Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta Shaaca ka qaaday in Doorashooyinka Baarlamanka iyo Madaxtooyadu ay dalka ka qabsoomi doonto Badhtamaha Sannadka 2015ka ee soo socda .
Afhayeenka Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Maxamed Xirsi Geele ayaa Shir Jaraa’id oo uu Xafiiskiisa ku qabtay waxa uu ka warbixiyay Hawsha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo uu sheegay inay qabsoomi doonto Bisha 1aad ee Sannadka inagu soo foolka leh isla markaana soo xidhmi doonto bisha 6aad ee Sannadka Cusub.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalka Afhayeenka Komiishanka Doorashooyinka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Komiishanka07.mp3″]