|

Komiishanka Doorashooyinka oo Beri Shaacinaya Soo Gabo Gabaynta Guud ahaan Diiwaangelintii Codbixiyeyaasha Iyo Xukuumadda oo Tahli weyday in Diiwaangelinta laga  qabto Goobihii Muranku ka Taagnaa

Hargeysa, 23 September, 2016-(SDN/QJ):–Warar xog-ogaal ah ayaa shaaca ka qaaday in Komishanka doorashooyinka Somaliland ay Sabtida beri ku dhawaaqayaan inay soo gabo gabawday Diwaangalintii Qaadashada Kaadhka Codbixinta ee mudooyinkii u dambeeyay ka socotay Gobolada Dalka Somaliland ,taasi oo uu ugu dambeeyay Gobolka Sool ee Bariga Somaliland.

xubnaha komiishanka doorashooyinkaWararkan ayaa intaa ku daray in Komishanku gabi ahaanba ay iskaga tageen lixdii Goobood ee xayirnaa ee Xeebta Woqooyi ee Magaaladda Caasimadda ah ee Hargeysa,kuwaasi oo ay Xukuumaddu dhawaan ku dhawaaqday in Goobahaasi laga samaynayo Diwaangalin islamarkaana ay ku xigayaan Gobolka Sool oo ay ku maqnayeen Qalabkii Diwaangalintu,balse sida muuqata, ay Xukuumaddu tahli wayday inay Goobahaasi dawaangalin ka samayso islamakaana ay cabsi ka qaaday hanjabaado beelaysan oo ay Xukuumadda ugu goodiyeen inay dagaal ka ridayaan oday dhaqameed ka soo kala jeeda Gobolada Sallal iyo Awdal kuwaasi Xukuumadda ku cariyay in haddii Sanduuq la keeno Goobahaasi uu dagaal beeleed ka dhici doono.

Dhinaca kale,Komishanka Doorashooyinka iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa Anfariir ka qaaday Baaqii Canaanta ahaa ee kaga yimid Beesha Caalamka ee ku saabsanaa in Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Wakiilada la qabto Wakhtigii loo qorsheeyay,oo aan dib looga dhigin.

Waxa ay Komishanka Doorashooyinku durba bilaabeen xamaan urursi,kaasi oo ay isku diyaarinayaan inay ku dhawaaqaan inay dhinacooda ka dhamaatay Hawshii Diwaangalinta Qaadashada Kaadhka Codbixinta si aan loogu soo riixin dhinacooda inay wax door ah ku leeyihiin Doorasho dambe oo dib loo dhigo,waxa ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ay kaga soo xamaan urursanayaan Goobihii ay qalabku kayaaleen,waxaanay warar aanu ka helnay Komishanku noo xaqiijiyeen in Maalinta Sabtida ah ee inagu soo fool leh ay Kimanshanku ku dhawaaqayaan inay Dalka ka dhamaystireen Diwaagalintii Kaadhka Codaynta oo qayb ka ah Qabsoomidda Doorashooyinkan qabyada ah.

Sidoo kale,Lixda Goobood ee Woqooyiga Hargeysa ee u muuqda in Laga tagay ayaa calaamad u ah Hawlgabka ku habsaday Xukuumaddii Umaddu dooratay iyo Komishanka Doorashooyinka oo tahli waayay in Dadka Goobahaasi degan loo celiyo Xuquuqdii ay dalka ku lahaayeen ee ay ahayd inay wax doortaan lana doorto. Xukuumadda ayaa dhawaan isku xayd xayday inay Goobahaasi diwaangalin aan Gobolna ku abtirsan ka qabanayso,lamanayo Garanayo halka uu Go’aankaasi ku dambeeyay,in sidaasi lagaga tagi doono iyo Inay Go’aan kale ka soo saari doonto.

Comments are closed