Kofi Annan oo walaac ka muujiyay rabshado markale ka dhaca doorashooyinka soo socda ee Kenya, baaqna u diray dawladda Madaxweyne Kibai
Nairobi 13, October 2012 (SDN)- Xoghayihii guud ee hore ee Qaramada Midoobay Mr. Kofi Annan, ayaa walaac ka muujiyay in markale rabshado bulshada dhexdeeda ahi dhacaan inta lagu gudo jiro doorashooyinka guud ee Kenya oo la qaban doono bisha March 2013.
Mr. Annan oo hoggaaminyay guddigii 2007 xaliyay rabshadihii doorashada ka dhashay ee Kenya, waxa uu sheegay in rabshadihii dhowaan ka dhacay qaybo ka tirsan Kenya ay walaac abuurayaan marka la eego doorashooyinka guud ee ku soo fool leh dalkaas.
Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay oo socdaal kooban ku tegay Kenya, waxa uu walaac ka muujiyay sida ay muddooyinkan u soo kordhayaan rabshadaha bulshada Kenya dhexdooda. “Rabshadaha ka jirta Waqooyiga Kiiniya, deegaanka Tana River Delta iyo gobollada xeebtu waa kuwo walaac wayn dhalinaya,” ayuu yidhi Mr. Annan.
Sidoo kale, waxa uu xusay walaaca ay leeyihiin maleeshiyaad uu sheegay inay iska abaabulayaan ama kuwo laga aasaasay gudaha Kenya.
Mr. Koffi Annan waxa uu baaq culus u diray masuuliyiinta dawladda Kenya, si looga fogaado in dalku galo rabshado la mid ah kuwii khasaaraha badan dhaliyay ee dalkaas ka dhacay 2007, ka dib markii lagu murmay natiijadii doorashada.
Intii uu ku sugnaa Kenya, waxa uu la kulmay Raysal-wasaare Odinga, madaxa Caddaalada dalkaas, guddiga Doorashooyinka Kenya iyo masuuliyiin kale.
Qurbejoog.com, Nairobi
editor@somalidiasporanews.com