|

Kismayo: Amnigii Oo Faraha Ka Baxay iyo Saraakiishii Maamulkaas Oo Dhammaantood U Guuray Aqalka Madaxtooyada

Kismayo:24-Feb-2014(SDN)-wararka Laga Helayo Magaalada Kismayo ee Xarunta Gobolka  Jubada Hoose ayaa Sheegaya in Dhismayaa Dhawr ah oo ay Deggenayeen Madax Ka Tirsan Maamulkaasi ay Xaalad ammaan Darteed uga Baxeen.

kiskisMadaxweyne ku Xigeenka labaad ee Maamulkaas Cadbiqaadir Xaaji Suldaan Luga Dheere ayaa ka mid ah Saraakiisha  Aqaladoodii ka Cararay, walina Lama Hayo meesha rasmiga ah ee uu Degay.

Suldaan Luga Dheere ayaa Hore u Deggenaa Nawaaxiga Xarunta Garoonka Diyaaraha ee Magaalada, waxase Haatan la Arkay inuu Aqalkiisii Faaruq yahay oo aanay cidi ku jirin.

Ma Aha kaliya Masuulkan Saraakiisha sare ee Maamulkaas ka Tirsan ee Aqalladoodii Faaruqisay, balse waxa jira Saraakiil badan oo iskaga Yaacay Goobihii ay Hore u Deggenaayeen, waxana Wararka Haatan na sooo Gaadhayaa ay Sheegayaan in Raggaasi ku Urureen Xarunta Looga Arrimiyo Maamulkaas oo Haatan Noqotay meesha kaliya ee la Isku Aamini karo, maadaama Rag Door ah lagu Laayey Goobo markii hore amaan la Bidayey.

Maamulka Jubba ayaa waxa Haatan soo Foofsaartay Dhibaato weyn oo xagga Ammaanka ah, waxana ay Leeyihiin cadow badan oo dhinacyo badan ah, iyadoo Kooxaha Islaamiyiinta ahi kaw ka Yihiin kuwa Dagaalka kula Jira, waxana ay Toddobaadkii hore Isla Magaalada Dhexdiisa si yaable ugu khaarajiyeen Madaxii Ammaanka ee Maamulkaasi.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed