|

Kismaayo oo dagaal Dhimasho dhaliyay oo ka dhaca Kismaayo

Kismaayo November 23, 2024(QJ) – Maanta waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubaland ka dhacay iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac. Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Ciidamada Booliska Magaalada Kismaayo iyo Ilaalada Senator Ilyaas Gaboose oo ka mid ah Musharixiinta u taagan Xubinimada Baarlamaanka Jubbaland.

Iska horimaadkan ayaa ka billowday markii Ilaalada Senator Gaboose loo diiday inay gudaha u galaan Hotelka Agan ee magaalada, taasoo keentay is-maan-dhaaf xooggan. Rasaas xooggan oo labada dhinac ay is weydaarsadeen ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Iska horimaadkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay ismaandhaaf siyaasadeed iyo khilaafyo hoose oo ka dhex aloosan maamulka Jubaland, gaar ahaan xilliyada doorashada ee magaalada ka socda.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa khilaaf xooggan kala dhaxeeya Senator Ilyaas Gaboose, kaasoo qeyb ka ah xaaladda kacsan ee magaalada Kismaayo. Gaboose oo hadda ah musharax u taagan baarlamaanka Jubaland ayaa lagu eedeeyay inuu qeyb ka yahay mucaaradka kasoo horjeeda madaxweyne Madoobe. Khilaafkan ayaa lagu soo waramayaa inuu cirka isku sii shareerayo, taasoo keeni karta in isbedel weyn uu ku yimaado siyaasadda magaalada. Xaaladan ayaa sare u sii qaadaysa xiisada ku saabsan doorashada Aqalka Hoose ee Jubaland, taasoo saameyn toos ah ku yeelanaysa amniga iyo xasiloonida gobolka.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii saaka lagu qaaday Hotel Agan ee magaalada Kismaayo, iyadoo ku tilmaantay fal bareer ah oo la doonayay in lagu huriyo dagaal sokeeye oo ka dhex qarxa shacabka Jubbaland.

Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in falkaasi uu si cad uga soo horjeedo xasiloonida dalka, isagoo carabka ku dhuftay in aan la aqbali karin in Ciidamo daacad u ah Maamulka Jubbaland ay ku lug yeeshaan falalkaasi. Wasiir Fartaag ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku haya siyaasadda Jubaland in ay joojiyaan colaadda, islamarkaana ay si xilkasnimo leh uga shaqeeyaan danta guud ee shacabka.

Xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan magaalada Kismaayo ayaa muujinayay caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni oo aad u daran. Axmed Madoobe ayaa qorshuhu ahaa in 25-ka November la caleema saaro, halka Ilyaas Bedel Gaboose loo doortay madaxweynaha kale ee Jubaland. Arrintan ayaa sii xoojisay khilaafkii jiray, iyadoo xaaladda siyaasadeed ee Kismaayo ka dhigtay mid aad u kacsan.

Comments are closed