KIISKAASI SI DEGDEG AH HALOOGU GUDBIYO MAXKAMAADDA DAMBIYADA RAYIDKA
Waxay ahayd salaadii subax inyar ka dib waxaan ka soo laabtay masaajidka ii dhow ee aan badanaa ku tukado salaada subax, maalintaa waxaan dareemay caajis badan iyo lulo aanan hore u arki jirin, waxaan is idhi inyar quraacda ka hor yara seexo iyadoo aanay caado ii ahaan jirin inaan salaada subax dib hurdada ugu noqdo waxaan ka cabsadaa in hadii aan seexdo ay hurdadu ila tagto oo aan shaqada ka habsaamo, inaad ogtihiin iyo inay aniga ii gaar tahay ma aqaane caajis badan ayaan ka qaadaa hurdada salaada subax ka danbaysay laakin subaxan hurdo xalay la igu lahaa ayaa iga awood badisay oo igu kaliftay inaad dib ugu noqdo sariirta.
Inyar haddaan jiifay oo aan is leeyahay “ iska kac hurdo habarba korin waydaye ama intaas oo sanno ayaad soo hurudaye intan yari waxba kuu tari maysee” ayaan qasab waxaa igu kiciyay dhawaqa rasaasta noocyadeeda kala duwan waxaan u maleeyay inaan riyoonayo oo meesha aan jooga Mogadishu tahay, waxaa dareemay inaan soo jeedo kor ayaan madaxa u qaaday si aan waxan u xaqiijiyo inay rasaas tahay iyo inay wax kale tahay waxaan fahmay inay rasaas tahay waxaan soo xasuustay 1994kii ay rasaastu is qabsatay meel Airoportiga aan ka fogayn, waayo meeshu xaggii oo kae ayay iga xigtay wallow barigaa aan aad u jeclaa dhawaqa rasaasta amaba aanan kala jeclayn inay dhacdo iyo in kale, saaka arintu way ka duwan tahay sidii oo wadnahu wuxuu samaynayaa shaqo aad u badan waxaanan ka warwarsanahay sidan cida u dagaalamaysa oo waan fahmay in meesha laba dhinac rasaasta la is waydaarsanayo mar waxaan is idhaahdaa “ALSHABAAB HUBAYSAN AYAA MAGAALADA SOO GASHAY” iyo maahee waa “XUSBIYADII HADHAY EE MUDAHARAADKA LOO DIIDANAA AYAA DAGAALAMAYA” iyo maahee “WUXU INTABA KA WAYNE WAA MAXAY?!!!!!!!!!!!!!.
Waayo meeshaba ma soo dhigan dhacdo dhul ka kacday ayaa intaa oo rasaasi u dhacdayaan YAAB!!!.
In yar ka dib ayay ii xaqiiqoowday in arintu dhul laysku haysto yaabkii wuu igu sii batay oo waxaan dareemay in rasaas iyo hub dawladeed meesha ku jiro muranka dhulkuna wuxuun buu dhex mari jiray shacab ee dawlad ayaa hub ku ridaysa helid dhul niyadaydaba kuma soo dhicin.
Iska soo dhaaf bilowgii arinta uu Mahiga ka hadlay bay ahayd ee dad badanina ku farxeen qaar kale oo dawlada ku jiraana ka biyo diideen waxaa ka mid ahaa hadaladii ergayga qaramada midowbay ee arimaha somaliya “WAA IN DEGDEG AH KIISKAAS LOOGU GUDBIYO MAXKAMADDA RAYIDKA, DACWADDA CUSUBINA SI CADDAALAD AH HA U DHACDO” ayuu yidhi Mahiga, maaha hadal xun faro galinna maaha ee waa talo ka timi QM, taladana ciday doonto ha ka timaadee waad qaadan kartaa waanad diidi kartaa ee meeshama taalo in la isla yaabo. Anigu cabdilaahi ahaan waxaan u arkaa hadalka Mahiga in uu sax yahay “CADAALAD SAMEE” maaha arin quracan oo waliba la odhan karo waa faro galin.
Waayo hadii caddaalad la heli waayo nabadna la heli mayo, Somalilandna jiri mayso.
Waxaa arintan iyo hadalkan Mahiga ka xanaaqay oo yidhi “ waa faro galin, Somalilandna xaq bay u leedahay inay arimaheeda siday doonto ka yeesho” gaar ahaan Wasiirka arinaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah Maxamed Cabdillahi Cumar oo arinta si kulul uga jawaabay Mahigana dhaliil dusha uga tuuray.
Mida kale Somaliland ha kala dayso beesha caalamka caawimo iyo ictiraaf ayaan ka doonaynaa iyo waxaad noo sheegi kartaan ma jiri karto, waxay la mid tahay gabadhii la yidhi waxbay doonaysay qalqaalkeediina ma hayso, waxaan leeyahay taasi isma qabato.
Md. Wasiir hadii ay ceeb noqoto CADAALAD HA LA SAMEEYO BARI IYO MAANTABA WAAN LEENANAHAY EE SIDAASI MAY HABOONAYN waana dhacdo aad u fool-xun oo aan taariikhday Somaliland inatay jirtay soo marin in dhul yar oo waliba shicib lagu haysto waxaaasoo khasaare ahi dhaco oo maal iyo moodba leh. Horta anigu waxaan idhi hubkii shicibkaa loo adeegsaday ee ka baxay dawlada muddo dheer bay ku qaadanaysaa inay hesho. Waayo hubku waa kii xuduudaha dalka iyo cadawga shisheeye lagaga difaacayay, ee may ahayn in dadkii gudaha ku noolaa ee dawladoodii hoos joogay hub nocaas ah loo adeegsado, waxay ka dhigan tahay DARUURADII HARGEISA KA KACDAY EE HARGEISA DUQAYSAY WAAGII SIYAAD BARE.
CABDILLAHI ADAM (Mr. CAABI)
865161