Kiimiko Neerfaha Waxyeesha oo laga Helay Meydka Kim Jong-nam Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Walaalkii
Kuala Lumpur 26. February 2017 (SDN/QJ):- Kiimikadii loo adeegsaday dilka Ninka ay isku Aabbaha yihiin hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, ayaa la ogaaday in ay ahayd kiimiko neerfayaasha wax yeesha, sida uu sheegay Booliiska dalka Malayshiya.
Kim Jong-nam, ayaa lagu dilay garoonka diyaaradaha Caasimadda Malaysia ee Kuala Lumpur, ka dib markii ay Sun wajiga ka mariyeen labo Haween ah oo Garoonka ku sugnaa.
Sunta Wejigiisa laga helay, ayaa la ogaaday in nooceedu ay tahay VX oo ah Sun neerfeyaasha waxyeesha. Qaaramada Midoobayna waxay ku dartay liiska Hubka wax gumaada Suntaas.
Dawladda Malayshiya kumay eedaynin Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi dilka Ninkan ay Walaalaha ahaayeen. Hase-yeeshee, waxay sheegtay in ay caddahay in Kuuriyada Waqooyi ay ka dambayso dilkiisa.
Booliiska Malaysiya wuxuu sheegay in Waaxda Kiimikooyinka ee Malayshiya ay Kiimikadan ka heshay indhaha iyo Wejiga Kim Jong-nam. Dhawr Ruux oo Kuuriyada Waqooyi u dhashay ayaa loo baadigoobayaa Dilka Ninkaas.