Kiev: Baarlamaanka oo eryay Madaxweyne Viktor oo ka cararay caasimadda iyo Cabsi ka taagan in dalka Ukraine laba u qaybsamo, xilli qulqulatooyinka siyaasadeed sii socdaan; Warbixin
Kiev Feb. 22, 2014 (SDN)- Baarlamaanka dalka Ukraine ayaa xilkii ka qaaday Madaxweynihii dalkaas Mr. Viktor Yanukovych, kadib qulqulatooyin siyaasadeed oo muddooyinkii u dambeeyay ka socday caasimadda Kiev.
Kadib qalalaase todobaadkii u dambeeyay galaaftay inka badan 70 qof, baarlamaanka dalkaasi waxay maanta u codeeyeen inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Yanukovych, maalin uun ka dib markii uu Jimcihii heshiis xabad-joojin ah galay mucaaradka ka horjeeda.
Baarlamaanku wuxuu sidoo kale u codeeyay in xabsiga laga sii daayo haweenayda hore Raysul-wasaaraha uga ahayd Ukraine ee lagu magacaabo Yulia Tymoshenko iyo sidoo kale in doorashooyin la qabto 25 bisha May 2014.
Waxa jirta cabsi la xidhiidha sida uu dalka Ukraine laba qaybood u kala dilaaci karo: qaybta Galbeed ee u heellan reer Yurub iyo qaybta dalka Ruushka la jirta, afkiisana ku hadasha ee Bariga iyo Koonfurta Ukraine, kaasoo ah gobolka wershaddaha iyo wax-soosaarka dalkaas.
Gobollada Galbeedka eek a cadhoodaysan musuqmaasuqa dawladda Yanukovych, waxay doonayaan inay ku dhawaadaan Midowga Yurub, waxaana maamulka Madaxweynahaas laga diiday magaalooyin badan, halka qaybta Madaxweynaha la eryay taageersani ay doonayaan soo-dhawaanshaha dalka Ruushka iyo cilaaqaadkiisa.
Madaxweynaha xilka laga tuuray, Viktor Yanukovych ayaa ka cararay caasimadda dalkiisa ee Kiev, isla markaana diiday xil-ka-qaadista lagu sameeyay. “Waxay isku dayayaan inay aniga u baqe geliyaan. Ma jirto sabab aan uga baxo dalka. Anigu uma socdo in aan iscasilo, waxaanan ahay Madaxweynaha sida sharciga ah loo soo doortay,” ayuu khudbad Telefishanka laga sii daayay ku sheegay Mr. Viktor. “Wax kastoo maanta dhacay, waa inqilaab toos ah,” ayuu raaciyay hadalkiisa. “Waxaan samayn doonaa wax kastoo aan dalkayga kaga ilaalinayo inuu kala-go’o, si aan dhiigga dhiig-qaata u joojiyo,” ayuu yidhi Mr. Viktor Yanukovych oo u cararay dhinaca gobollada Bariga dalkaas ee lagaga hadlo afka Ruushka, halkaasoo saldhig u ah taageerayaashiisa.
Ukraine oo dalkiisu yahay 46 Milyan, waxa uu muhiimad istaraatijiyadeed u leeyahay Ruushka, Yurub iyo Maraykanka.
Dhinaca kale, haweenayda hore Raysul-wasaaraha uga soo noqday dalkaas, Ms. Yulia Tymoshenko, ayaa si toos ah xabsiga magaalada dhinaca bariga ku taala ee Kharkiv looga soo hoggaamiyay, kadib markii ay ku qaatay xadhig laba sannadood ka badan oo qayb ka ah xukun 7 sannadood ah, kana dhashay kiis muran dhaliyay oo la xidhiidha ku-takri-fal awoodeed. Kadib markii la soo gaadhsiiyay Fagaaraha Xorriyada caasimadda Kiev, waxay hadal u jeedisay kumanaan dadweyne ah oo taageerayaasheeda ah.
Tymoshenko oo khudbad qiiro ah u jeedisay dibad-baxayaasha, saacado kooban kadib markii ay xabsiga ka soo baxday, waxay uga mahadcelisay inay Ukraine ka saareen wax ay ugu yeedhay “Cancer ka” xukunkii Madaxwe Yanukovych.
“Waxaad tihiin wanaagga Ukraine,” ayay si qiiraysan u tidhi Ms, Tymoshenko oo la hadlaysay dibad-baxayaasha, kuwaasoo ay ku amaantay siday u eryeen Madaxweynaha xilka laga qaaday.
Haweenaydan oo lagu tiriyo cadowga ugu wayn ee Mr. Yanukovych, waxay dadweynaha ku dardaartay in aanay goobtaas fagaaraha ka tegin, ilaa iyo laga dhamaystirayo shaqada hawsha ay u banaanbaxayaan. Intii ay khudbadaynaysay, waxay saarnayd bareelka ama kursiga [wheelchair] dadka xanuunsanaya ama jaban lagu riixo, maadaama uu dhaawac jabniin ahi ka gaadhay qaarka dambe ee jidhkeeda. Haweenayda oo si aad ah loogu bartay kacdoonkii Caggaarnaa ee ay sannadkii 2004 hoggaaminaysay, waxay sii daynteeda oo baarlamaanku Jimcihii u codeeyay, ay ka mid ahayd waxyaabaha ay dibad-baxeyaashu dalbanayeen.
Qurbejoog.com, Kiev