Khudradii Iman Jirtay Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Suuqa Bakaaraha oo Dawladu Diiday Waa Maxay Sababtu? DHAGAYSO
Muqdisho 08. October 2016 (SDN/QJ):- Maamulka gobolka Banaadir ayaa awaamiir cusub kasoo saaray suuqii Qudaarta ee Bakaaraha magaalada Muqdisho iyadoo sheegay in aysan jirin cid si toos ah u gayn karta suuqaasi.
Gudoomiyaha gobolkan banaadir iyo Wafdi uu horkacayo oo booqday suuqyada magaalada Muqdisho gaar ahaana suuqa Qudaarta ayaa sheegay inay ganacsatada iyo Gadiidka sida Qudaarta ay dhibaato badan kala kulmi jireen baadhitaanada ay samaynayaan ciidamada gobolka Banaadir.
Yuusuf Xuseen Jimcaale, Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xili uu lahadley Warfidiyeenka wuxuu sheegay laga bilaabo maanta in suuqa Qudaarta laga dhigay Suuqii horay loogu gadi jiray ee Ceel Garweyne, laguna arki karin meel kale oo lagu dajinayo.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa soo hadal qaaday tilaabooyinkan inay yimaadeen kadib markii gawaari siday qudaar ay isku qarxiyeen gudaha magaalada Muqdisho tilaabadana ay u qaadeen hawlo amni.