|

Khudbadii uu Wasiirka Khaarijiga Somaliland maanta ka horjeediyay gollaha Guurtida

Hargeysa Dec 13,2011(qurbejoog.com)-Wasiirka wasaarada Khaarijiga ee Somaliland ayaa maanta hor tagay Gollaha Guurtida ee dalka,waxaanu ka hor jeediyay khudbad uu uga warbixinayay waxqabadkii wasaaradiisa ee mudooyinkii u danbeeyay,war bixta oo dheereyd waxa ka md ahaa

“Aniga Maanta waxay ii tahay sharaf iyo farxad inaan hor imaado Golaha sharafta leh ee Guurtida oo qarankan sharaf ka mudan duniduna ay ogtahay waxtarka iyo kaalinta uu kaga jiro qaran dhiskii Somaliland, ilaa imikana kaga jiro. Shirkanna anigaa dalbaday si aynu tallo wadaag uga yeelano arrinta aynu qaranka u wada hayno.

Ujeedada ugu weyn ee qarankani leeyahay ee siyaasadda arrimaha dibadda hagaysaa waxa weeye laba qodob, qodob waxa weeye inaynu noqono dal iyo ummad xubin buuxda ka ah dunidda, ta labaadna waa inaynu la yeelano iskaashi dhinacyo badan leh dunida aynu ka tirsan nahay, haddii ay tahay dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada iyo nabadgelyadaba. Shacbiga Somaliland waxay 2001-dii ay afti ay sameeyeen ku cadeeyeen inay noqdaan dal madax banaanidiisa iyo qaranimadiisu u tahay wax gaar ah, madax banaanida Somaliland waa go’aan shacbi oo aanay cidina ka gudbi karayn, Goleyaasha qaranka iyo xukuumadaha isbedelaya intuba waxay ku shaqeynayaan oo ay ka shiidaal qaadanayaan go’aankaasi shacbiga, waxase la gudboon in laga midho dhaliyo oo loo hawl galo oo loo dagaalamo.

Waxyaabaha ugu weyn ee xukuumaddan loo doortay waxa ka mid ah inay ka midho dhaliso go’aanka shacbiga iyo qadiyada dalka, Somaliland maanta talladeeda waxa gadhwadeen ka ah Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka mid ah raggii ugu magaca dheeraa halgankii dalka loo soo maray isaga ayay gacantiisa ku jirtaa ma jirto cid uga lexjecelo badan dalka. Markii ay xukuumaddani tallada dalka ku guulaysatay, waxaanu qiimayn ku sameysay xidhiidhka aynu la leenahay iyo siyaasadda khaarajiga ee Somaliland, waxaanu qiimeynay jidka loo marayo. Waxaanu garanay in dardar gelin lagu sameeyo xidhiidhka aynu caalamka la lahayn oo aan hore aad ugu adkayn, waxa noo muuqatay in loo baahan yahay dariiqyo cusub oo loo baahan inaynu qadiyadeenna u marno.

Duniddu way ka dheregsan tahay Somaliland, sidaasi darteed waxaanu ka doonaynaa duniddu inaanay iska indho tirin rabitaanka Somaliland, waxaanu leenahay dunidu ha qiimayso dareenkayaga iyo rabitaankayaga oo ha nagu abaal mariso in dalkan nabadoon la ictiraafo, dunidu ku shaqayso waxa ummaddi ama dal doonayo ee waxay ku shaqaysaa masaalixaad (danno) isku wada xidh xidhan in laga wada hadlo.

Waxa dalka Imaaraadka carabta markii uu Madaxweynuhu tagay nooga muuqatay isbedel ka duwan mawqifkii dunida carabta,waxaanay u arkayeen Somaliland meel ay xidhiidh la yeelan karaan oo ay maal gashi ku samayn karaan, waxaanay imika dalka ka hirgeliyeen illaa labaatan ceel biyood, waxa kale oo ay wax inagala qaban doonaan ceel biyood oo cusub iyo mashaariic lagu horumarinayo Biyaha oo sanadkan cusub aanu filayno inay inoo bilaabmaan Dalka Kuwayt oo isna Madaxweynuhu tagay waxay inoo dhisayaan casriyaynta madaarradda dalka sida Madaaradda Hargeysa iyo Berbera waxaanay ina siiyeen 10 milyan oo dollar oo garoomada diyaaraha lagu hagaajinayo.

Dawladda Masar waa dawlad aad u culus marka laga hadlayo arrimaha Afrika waliba marka laga hadlayo arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya waa dawlad cod cod iyo miisaan ku leh arrimahaasi,Somaliland-na waynu ognahay halkay ka taagan tahay, todobaadkii hore waxa dalka socdaal buuxa ku yimid Safiirka Masar u fadhiya Nairobi, waxaana dhacday in aanu wada hadal la yeelanay dawlada Masar oo aanu kala hadlay arrimaha mandaqada iyo danaha Somaliland. Dawladda Masar waxay dib u eegaysaa siyaasadeedii geeska Afrika, sidaasi darteed, waxa markii Safiirku ku noqday dalkiisii ay dawlada Masar ay marti qaad u fidisay Somaliland waxaana dhawaan tagi doonaa haddii Alle yidhaahdo wefti ka socda Somaliland.”

Markii aanu aragnay inaanay warbixinta Goleyaasha ugu sareeya ee adduunka gaadhaysa inaynaan waxba ku lahayn, waxaanu ka hawl galay arrintaasi waxaana aanu Golaha ammaanka ee qarammadda midoobay aanu bishii May ee la soo dhaafay kula kulanay magaalada Nairobi, waa shirkii aad maqlayseen ee la lahaa Somaliland waxay la kulantay Soomaaliya.waxaanu shirkaasi ahaa mid gaar u ahaa Somaliland iyo Golaha ammaanka, halkaasi waxaanu kaga hadalay in qadiyadeena la siiyo ahmiyad gaar ah oo aanay warbixinta Somaliland marti u noqon warbxiinta Soomaaliya lagaga hadlayo, taasi waa ta keentay in Bishii September golaha ammaanku Somaliland ku casuumo shirka loo dhan yahay ee qarammadda Midoobay, waxaana aanu u gudbinay warbixin dheer oo la xidhiidha qadiyadeena.”

 

Qurbejoog-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed