Khudbadii madaxweynaha Somaliland ee munaasibada Ciida
Hargeysa Aug 19,2012(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta salaadii Ciida dabadeed jeediyay khudbad uu uga hadalay arrimo dhawr ah oo ay ka mid aheyd in siyaasada cusub ee Soomaaliya aaney saameyn ku yeelan doonin badaxbanaanida Somaliland.
Khudbadii madaxweynaha ee maantana waxa ka mid ahaa;“Marka hore waxaan halkan salaan uga dirayaa dhammaan shacbiga reer Somaliland iyo guud ahaan umadda Islaamka oo aan leeyahay sannadkan sannadkiisa guul iyo barwaaqo ku gaadha.
Waxaan umadda Somaliland u soo jeedinayaa in ay wada jir iyo walaal tinimo kuwada shaqeeyaan midnimada iyo qaranimada ilaashano,walaalayaal waad ogtihiin oo walaaleheena Somaliya hawl baa ku socota waxaanu u cadaynaynaa umadda iyo dunidaba in Somaliland tahay dal madax-banaan oo aan cidna marti uga ahayn dawlad nimadeeda iyo madax-banaanideeda, waxaanu doonaynaa in aanu ka dhaadhicino oo aan faham siino in ay dadkani madax-banaanidooda ay muddo dheer u so halgamayeen , waxaanu jecelnahay in aan dadkaa walaalaha nahay ilaahay dhibaatada ka dulqaado , waxaanu jecelnahay in aanu noqono dad walaalo ah oo jaarwanaagsan ah”. ayuu madaxweynhu hadalkiisa ku soo gunaanaday.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com