Khudbadihii Xasan Sheekh iyo Axmed Siilaanyo ee munaasibada 26ka June
Hargeysa June 27,2013(SDN)-Waxa qasriyada Madaxtooyo ee Muqdisho iyo Hargeysa lagu kala qabtay munaasibado lagu weyneynayo sanguuradii 53aad ee maalintii calan Soomalaiyeed laga taago geyigii Soomaalida ee gumeystuhu qeybsaday.
Labada Munaasabadood ayaa ku kala duwanaa waxyaabihii looga hadlay,waxaana fariimo siyaasadeed hawada isugu mriyay labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somailand Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa khudbadiisa diirada ku saaray khaladaadkii ka dhashay midowgii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya iyo sida ay uga go’an tahay haatan Somaliland iyo ay madaxbanaani buuxda oo ay hesho.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa hadaladiisii waxa ka mid ahaa;“Innagu markii aan xornimada qaadanay iyada oo Ingirisku dhahayo iska fiirsha oo hala midoobina Koofurta Soomaaliya oo haku biirina adinka oo aan la wada hadlin oo meel wax la dhigin. Waxaas waan diidnay oo innaga ayaa xamaasadi naqaaday kadibna dhib ayaa naga soo gaaray arintaasi oo waa nalaga jaasiyay deg-degeenni. Dhamaan wixii jago muhiimsan ah waxaa qaatay reer koofureedka. Somaliland waxba loomaba reebin. Waxaas oo dhan waa waxyaabihii aan ka dhaxalnay jaceylkenni Midawga.
Innagu caadifad ma qabano waxanna u sheegayaa Xassan Sheekh maxamuud in wax cadiifad ah aysan jirin. Innagu waxa aan diyaar u nahay in aan sii wadno dadaalkeenna gooni isu taagga waana gaari doonaa hadafkeena mar uun”. ayuu yiri madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Halka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhankiisa khudbadiisa culeyska ku saaray midnimo dib u dhexmarta Soomaaliya iyo Somaliland.
“waxaan rabaa taariikhda inaan dib u raaco dadkaasi tiro ahaan wey naga tira yaraayeen, aqoon ahaanna wey naga aqoon hooseeyeen, dhaqaalle ahaanna wey naga hooseeyeen sidaas oo aheyd ayey ayadoo dalku gumeysi heysto u istaageen iney wadankooda xoreystaan, waxaan aad ugu raacsanahay Gudoomiyaha Maxkamadda sare inaan qirano dhibaatadii dhacday mas’uuliyadeeda inaan anaga leenahay, waa inaan marnaa wadadii ay aabeyaasheenna noo faleen oo ah Soomaali oo mid ah, qarannimadeediina difaacaneysa”ayuu ku yiri Khudbaddiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadaladaa labada dhan haba kala daraadeene ayaan u muuqan qaar ay ka dhalan karto midnimo danbe oo labada dhan dhex marta.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com