Khudbadihii Madaxweyne Kuxigeenka iyo Wasiirka Qorsheynta Somaliland ee kulankii ay la yeesheen Masuuliyiin ka socota Banka Aduunka(DHEGEYSO)
Hargeysa Mar 12,2013(SDN)-Madaxweyne ku xigeenka JSL MD ahna ku simaha Madaxweynaha JSL C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta ka qayb galay munaasabad uu Baanka adduunku deeq dhaqaale ku siinayay Qaar ka mid ah ganacsatada.
Munaasabadaasi oo ay sidoo kale ka qayb galeen wasiirada Qorshaynta Qaranka,Xanaanada Xoolaha,Ganacsiga iyo Beeraha waxaana Madashaasi lagaga dhawaaqay in adduun lacageed oo gaadhaya 2 Milion oo Doolar,oo baanka adduunku ku yaboohay loo qaybinayo 59 ganacsade oo ku guulaystay qorshahii loo marayey helitaanka taageeradaasi
Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo madashaasi ka hadlay ayaa baanka adduunka oo Mashruucan Maalgalinayay waxa uu ka dalbaday in loo kordhiyo deeqdan isla markaana Sannadkii laga dhigo Toban Milyan si loo kobciyo dhaqaalaha ganacsatada yar yar .
Wasiirka waxa uu ka dalbaday Ganacsatada mashruucan ka faa’iidaysanaya inay sidii loogu talo galay u adeegsadaan
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo kulankaasi ka hadlayey ayaa soo dhaweeyay Mashruucan oo uu ku sifeeyay mid wax weyn ka tari doona horumarinta Wadanka .
Halkan ka dhagayso hadaladii Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Madaxweyne ku xigeenka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/QORSHAYNTA.mp3″]