Khudbadihii Garnaqsi ee Isbahaysiga Musharixiinta Xisbiga Kulmiye,Xildhibaano Mooshin ka Keenaya Madaxweyne Xigeenka Iyo Wasiiro Cusub oo Murashaxnimadooda Ku Dhawaaqay DAAWO
Hargaysa 17.Oct 2015 (SDN/QJ)-Isbahaysiga Musharaxiinta Kulmiye ee kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, ayaa maanta munaasibad balaadhan oo Hotel Guuleed lagu qabtay ku soo bandhigay mawqifkooda muranka qabanqaabada shirka golaha dhexe ee Kulmiye.
Qaar ka Mid ah Garabka Is Xulufaystay ee ay Hor kacayaan Wasiirka Arrimaha Dibada,C.casiis Maxamed Samaale, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo dhamaantoodba u tartamaya Murashaxnimada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ayaa Maanta loo diiday inay Huteelada Caasimada Wax kulan ah ku qabsadaan,Amarkaas oo ka soo baxay Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland oo Garabka Gudoomiye Muuse Biixi ah.
Sadexda Musharax ayaa saaka balansaday Hotel Guuleed, hase yeeshee isla Guuleed hotel waxa goor dhaweyd la keenay ciidamo booliis ah kuwaas oo ku wargaliyey inaan xaflad lagu qaban jarin, laakiin mulkiilaha Hotelka ayaa ku wargaliyey inay kharash galeen oo aanay joojin Karin.
Cali Guuleed ayaa ka dalbaday Booliiska inay bixiyaan kharashka ay galeen haddii kale aanu joojin Karin xafladda, dooda Booliiska iyo Mulkiilaha ayaa la isku af-garan waayey, Inkastoo Markii danbe Xubnaha Musharixiintu ay Madasha Yimaadeen,Hadalo Kul Kululna is weydaarsadeen Saraakiishii Ciidanka hogaaminayey.
Kulanka waxaa ka soo qayb galay saddexda musharax, wasiiro iyo wasiir xigeenno tiradoodu soddomeeyo tahay, masuuliyiin kale oo xukumadda xilalka haya, xildhibaano tira badan, siyaasiyiin badan koodu hore xukumadda xilal uga soo qabteen, salaadiin ay hogaaminayaan Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax iyo cuqaal.
Isbahaysigu wuxuu guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi iyo madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ku eedeeyay inay xisbiga iska maamulanayaan iyagoo ah musharaxiin, islamarkaana ay maroorsadeen tabaabushaha shirka golaha dhexe. waxay ku doodeen in madaxweynaha lala sugo xalka muranka taagan, ama la magacaabo guddi dhexdhexaad u ah musharaxiinta.
Xildhibaan Maxamed Xirsi OBAMA ayaa Wacad Ku Maray In Golaha Wakiilada Mooshin La gayn doono Mooshin ku Saabsan Cida Bixisay Amarka Ciidamada loo dul dhigay Huteel Maansoor kaas oo uu Bixiyey Madaxweyne Ku Xigeenku.
Ugu horayn munaasibada qadada ah waxaa ka hadlay guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga Kulmiye Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle “Waxaa maanta sharaf ii ah inaan la hadlayo waxgaradkii, nin garabeedkii, labeentii Somaliland, xisbiga Kulmiye golihiisii dhexe intii badnayd, golihii fulinta, wasiiro, xildhibaanno, iyadoonay degaan ahayn oo aanay beel ahayn ee ay tahay madal Somaliland isku aragtay oo ay ku bahowday oo taageerayaasha Kulmiye si awood leh oo laxaad leh ay kaga soo qayb galaan iyagoo taageeraya musharaxiintoo kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe,” ayuu yidhi Mr Talyanle.
Xildhibaan Talyanle waxa uu sheegay in markii ay maqleen in golaha dhexe laga diwaangalinayo xarunta xisbiga ay Madaxweyne xigeenka kulan la qaateen saddexda Musharax ee kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, oo ay weheliyaan guddoomiye xigeenka labaad Xildhibaan Waabeeye iyo saddexaad ee Kulmiye Xildhibaan Talyanle, islamarkaana uu u balanqaaday inuu wax ka qabanayo arrimaha ay diidan yihiin, balse xilligii balantu gaadhay uu madaxweyne xigeenku u sheegay in sida guddoomiyaha Kulmiye u qorsheeyay aan waxba laga bedelayn.
”Madaxweyne Xigeen Baad Tahay Qabiila Waad La Shiraysa Laakiin Anaku…” Xildhibaan Talyanle Oo Eedayma Kakan Ujeediyay Saylici
Cabdikariin Xinif, agaasimaha maamulka xisaabaadka ee komishanka la dagaalka AID-ka, oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inaanu guddoomiyaha Kulmiye awood u lahayn qabashada iyo qabanqaabinta shirka golaha dhexe. Waxa uu sheegay in shirka golaha dhexe qabanqaabadiisa ay leeyihiin shirguddoonka golaha dhexe balse hadda aanu jirin shirguddoon golaha dhexe, wuxuuna meesha ka saaray in jaamac Shabeel yahay guddoomiyaha golaha dhexe maadaama wakhti hore xilku ka dhammaaday.
DAAWO Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Prof Faarax Cilmi Geedoole ayaa Kulankaas Waxa uu Shaaca ka qaaday inuu u Sharaxan Yahay Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka ee Xisbiga Kulmiye.
DAAWO Wasiir Xigeenka Arimaha Dibadda Oo U Duur Xulay Muuse Biixi