Khubaro ka Socota Company-ga Laga Soo Iibsaday Idaacada Radio Hargaysa oo dalka Yimid,Kuna Guulaystay inay Hawada dib ugu soo Celiyaan Maqalkii Idaacada oo Mudo hawada ka Maqnaa
Hargaysa 11.May (SDN) Iyadoo ay Maalintii Kow iyo Tobnaad hawada uu ka Maqan yahay War laliyihii Weynaa ee Idaacada Radio Hargaysa ayaa Waxaa Shalay Galab Caasimada Hargaysa soo Gaadhay Laba Engineer oo ka Socda Companiga laga soo Iibsaday Cod baahiyahan oo laga leeyahay Wadanka China laguna magacaabo Beijing BBEF Science & Technology Com LTD,Waxaanay isla Maanta Ku Guulaysteen inay Hawada ku soo Noqoto dhagaysiga Idaacada Radio Hargaysa .
War laliyahan ayaa Mar keliya hawada ka baxay Taariikhdu markay ahayd 30kii bishii hore ee April ,Kadib Markii ay Ku Timid Cilad Saamixi Wayday inuu Shaqadiisa sii Wato.
Laba Engineer oo u dhashay Somaliland oo Mudo ku dhow afar bilood tababar la xidhiidha Cilad ka saarida iyo Hagaajinta War laliyahan hadii ay Wax dhibaato ahi la soo deristo loo geeyay Wadanka China ayaa ku Guul daraystay inay saxaan Ciladii ku timid Codbaahiyahan oo awoodiisu dhan tahay 100 KWT,Isla markaana waxaa Meesha ka baxay dhagaystayaashii ku xidhnaa Idaacada Radio Hargaysa iyadoo Mudadaas Mawjada FM-ta oo Keliya laga dhagaysan Jiray Magaalada Hargaysa.
Warlaliyahan oo Mudo bilo ah Shaqaynayay,dhaqaale badanina uu kaga baxay dawlada isla markaana ay Madaxda Wasaarada Warfaafintu Sheegeen in Mudo Afar Sanno ah hadii ay Wax Cilad ahi ku Timaado ay Shirkadii laga soo Iibsaday Mas’uuliyada dayactirkiisa Xil qaaday ayaa Waxaa dhinaca kale jirta in Aanu haba Yaraatee Wadan Ama la Socon hal Shay oo Spar Part ah,oo hadii ay Mushkiladi la soo deristo lagu Xalin karo .
Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo hogaamiyo oo dadaal badan u gashay Sidii ay u rumayn lahayd keenitaanka Idaacad dalkoo wada gaadha ayaa Waxaa dhinaca kale ka Muuqda inay dayacnaan badan ku samaysay War laliyahan oo faa’iido weyn ugu fadhiya Somaliland isla markaana ah ka ay ku jaangoynayso hannaanka Wareed, Wacyigelineed & Waanaba wixii looga duulayo, ee bulshada danahooda dhaqan/dhaqaale iyo himilooyinkoodana ka turjumaya.
Waxaa Su’aali dul saaran tahay in Mar Hadii War laliyahan Engineerada ka Socda Shirkadii laga soo Iibsaday ay dhamaystireen kuna noqonayaan dalkoodi inay dhici karto in mar kale ay Ciladi ku timaado ,taas oo Khasab ka dhigi doonta in dib hadana loo soo Celiyo Khubaro saxal tirta iyo in dhaqaale kale loo huro,Waxaana taas badalkeeda haboon in Madaxda Wasaarada Warfaafintu ay ka faa’iidaystaan fursadan isla markaana Hawl Wadeenada Gacanta ku haya War laliyahan ay Tababar ku siiyaan Codbaahiyahan ,arrintan oo Meesha ka saari lahayd in marba loo Yeedho Enginero ka Yimaada Dalka China .
Isku soo Wada duubo Dadka u dhuun daloola dhaq dhaqaaqa ka jira Xayndaabka Wasaarada Warfaafinta ayaa ku doodaya inaanay Jirin Xuquuqdii hawl wadeenada gacanta ku haya War laliyahan Sida Daryeelkoodii Caafimaad,Iyadoo ay Sharci ay tahay in Maadaama ay ku Guda Jiraan Meel uu ku badan Yahay Shucaaca Radiation RF,Saamayna ku yeesha Caafimaadkooda ay Waahib tahay inay Helaan Caano Joogto ah iyo Daawayn .
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com