Khubaro Daahfuray Dhibaatooyinka Caafimaad Ee Maraq Digaagga Macmalka ah (Qoraal Digniina)
Hargaysa 26.August 2016 (SDN/QJ):- Khubarada caafimaadku waxa ay ka digaan inta badan dhibaatooyinka caafimaad ee ay leeyihiin walxaha farsamaysan ee cuntooyinka lagu darsadaa waxaanan maanta qormadan caafimaadka ku eegi doonaa dhibaatooyinka caafimaad ee Maraq Digaaga iyo waliba tamaandho qasaaca loo yaqaano gurgurta. Waa mawduuc muhiim u ah qoys walba oo Soomaali ah inay wax ka ogaadaan, wuxuu ku saabsan yahay caafimaadkaagu iyo midka qoyskaagu, dhibaatadaas oo ay dhici karto inay jikada kuu taallo, waa “Maraq Digaaga” lagu daro suugada cunnada lagu cuno. Maraq digaagga aad ayay Soomaalidu u isticmaashaa waxayna ku darsadaan suugada si loogu carfiyo, dhanaanna loogu yeelo, shirkadaha sameeya maraq digaagga ay badanaa soomaalidu isticmaasho waa: “Maggi”, “Oxo” “Jumbo”, “Knorr” iyo “CalNort”.
Talow Ma Isweydiisay, Muxuu Maraq Digaaggu Ka Samaysan Yahay? Muxuuse Dhibaato Leeyahay?
Xaqiiqada ugu horraysaa waxay tahay in aan maraq digaagga laga samaynin “Maraq Digaag”, taasi waxaa sii dheer in laga sameeyay waxyaabo caafmaadka u daran oo halis ku galin kara waxaana ka mid ah:
-Cusbo: Waxa ugu badan ee maraq digaaggu uu ka samaysan yahay waa cusbo weliba xad dhaaf ah.
-Dufan: Waxaa ku xiga waa dufan loo yaqaano “Trans Fat” oo la ogyahay halista ay wadnaha u leedahay maadaama xididada yaryar ee wadnaha ay xidho.
-“MSG”: Maadadani waa waxa ugu khatarsan ee ku jiro maraq digaaga, maraykanku waxay u yaqaanaa “slow killing poison” oo macnaheedu yahay “suntii sida aayarka ah wax u dilaysay”, cilmibaadhisyo kala duwan oo lagu sameeyay maadadaan “MSG” oo maraq digaaga ka buuxda waxaa la ogaaday inay keento cudurka Lafo xanuunka, Dhiigkarka, Boogaha gaaska “Ulcer”, Beer xanuunka, Illowga/Foojignaan la’aanta iyo xanuuno loo yaqaano “Fibromyalgia” oo Soomalida ku soo badanaya sannadahaan dambe. MSG waxaa laga soo gaabiyay “Monosodium Glutamate”
-Lafo Digaag: Markii shirkadda “Maggi” ay bilaabaysay samaynta maraq digaaga, waxay ku dari jireen lafo digaag oo la ridqay ama hilib la ridqay, waxaana la odhan jiray wuxuu galayaa baddalka digaaga ama hilibka aad suugada ku darsatid, laakiin waayadan dambe laguma daro oo waxaa intaa dheer toon, filfil iyo wayxaabo kale oo carfis ah oo shirkaduhu ku kala duwanaan karaan.
Waxay cilmibaadhayaashu ku taliyaan in baddalka maraq digaaggan suuqyada ganacsiga loo keenay in aad si dabiici ah ku udgoonaysiisan kartid suugadaada sidii awalba ay Soomaalidu taqaanay, kabsar caleenta, toonta, filfisha, xawaashka iyo wixii la mid ah.
Haddii kale inta aad digaag karsato, maraqa ka miiro oo carfiso, kadibna qaboojiyaha gasho haddii aad awooddooo maalintii aad wax dallacanayso xoogaa yar ku darso suugada, haddii kalena waxaa kaaga filan in aad sidii hooyooyinkeenii hore suuga innoogu udgoonaysiin jireen xawaashyada kale aan ku koobnaano.
Ogow waxaa jira shirkado aan ka fikiraynin caafimaadkaaga oo jeebkaaga ku tiirsan, wixii cusub oo aanad aqoon u lahayn baadhis ku samee inta aanad isticmaalin.
- Ka Fogow Tamaandhada Qasacadaysan (Tamaandho Gurgurta)
Waa qoraal aan kaga hadlayno halista laga dhaxli karo tamaandhada lagu soo kaydiyo qasacyda birta, caaga iyo bacaha ka samaysan taasoo loo yaqaano “Canned Tomatoes”, Soomaalidu qaar waxay u taqaanaa “Tamaandho Gurgur” reer Koonfureedkuna (Yaanyo Shiidshiid).
Inkastoo aan ognahay in Tamaandhadu ay faa’idooyin badan jidhka u leedahay laakiin qaabka loogu xifdiyo qasacadaha ayaa ka dhigi kara mid halis ku ah caafimaadka bini’aadamka. Maadaama tamaandhadu ay aad ugu badan tahay fitamiin C-ga oo ka dhigaya mid aysiidh leh, waxaa qasacadda inta aan lagu kaydin tamaandhada ka hor lagu dahaadhaa ama la mariyaa daawo loo yaqaano “Bisphenol-A” tan oo loo soo gaabiyo “BPA”, daawadan waxay ka hortagaysaa in aysiidhu tamaandho gurgurtu aanay cunnin birta, caaga ama bacda ama aanay ku dhex daxalaysan. Markii hore waxaa la aaminsanaa in daawadani aanay la falgalin cunnooyinka ku keydsan qasacadaha, laakiin tamaandho gurgurtu maadaama ay aysiidh tahay waxay si sahlan ula falgashaa maadadan kiimikada ah iyadoo ku dhex milanta.
Maxay Dhibaato Keentaa Maadada BPA?
Cilmibaadhis lagu sameeyay maadadaan waxaa la ogaaday haddii jidhka ay ku badato in ay khalkhal galiso habka jidhka u shaqeeyo khaasatan dhinaca hormoonada, raggu waxay isku arki karaan hammo yari, waxayna hoos u dhigtaa tayada shahwada dhinaca bacriminta, haweenkuna waxay isku arki karaan caado wareer iyo xanuunka loo yaqaano “Thyroid-ka”, Waxaa kaloo la arkay in hooyada maadadan jidhkeedu ku bato haddii ay uur qaaddo inay ilmaha soo ridi karto, haddii la siiyana ilmaha ka yar 5 sano in korriimada maskaxdooda ay hoos u dhimi karto.
Arrintan awgeed waxay hay’adda cudurrada kontaroosha ee Maraykanka ee loo yaqaano Center for diseases control “CDC” ay cilmibaaridh ku sameeyay kaadida 2517 qof oo muddo isticmaalayay Tamaandho-Gurgurta, waxaana la arkay in boqolkiiba 93% ay jidhkooda si xad dhaaf ah uga buuxday maadadaan, arrintan waxay dhalisay cabsi badan oo shirkadihii badankooda welwel ku abuurtay. Shirkadihii waxay qaateen laba go’aan mid khaasatan kuwii ka shaqaynayay maraykanka iyo yurub, qaar waxay baddaleen maadadii kiimikada oo meeshii ay ka ahayd BPA, waxay ka dhigeen BPS, waxayna ku soo daabacadeen qasacadihii “BPA-free” taasoo ay ugala jeedaan in maadada BPA laga saaray, laakiin isla maadadii oo waxyar ka badalan ayaa lagu soo daray welina waxaa la aamisan yahay inay leedahay isla halistii, waxaana ku socda baadhitaano dheeraad ah. Kuwa kalana waxay ka guureen qasacadihii oo waxay ku badaleen quraarado, tan oo aan u baahnayn in la mariyo daawada kiimikada ee BPA, inkastoo ay kharash dheeraad ah ku noqotay laakiin waxay ku qasbanaadeen in tamaandho gurgurta la geeyo waddamada arrintaan uga digay bulshadooda in quraarado loogu shubo.
Talo Caafimaad:
Maadaama Tamaandho Gurgurta waddankeena laga isticmaalaa ay u badan tahay kuwa qasacadaha birta, caaga iyo bacaha ku jira, waxaan uga digaynaa bulshada inay ka fogaadaan, waana in lagu badalaa tamaandho dabiici ah oo aan daawo lagu soo darin, haddii aanad heli karin ama awood u lahayn tamaandho dabiici ah fadlan raadso tamaandho ku keydsan quraarad, Ogow caafimaadkaaga qof aan adiga ahayn oo ka fakarayaa ma jiro. .. La Soco
Qalinka: Dr. Cabdilaahi M. Mahdi