|

Khilaafkii Xisbiga UCID Oo Weji Cusub Yeeshay iyo Is Maan-dhaaf Soo Kala Dhex-galay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Suldaanka Guud

‘’Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo U Muuqda in Uu Ka Fallaagoobay Beeshiisa’’Hargeysa,27Dec,2015(QJ/SDN)-Sida cad waxa soo if baxay khilaaf hor leh oo u dhexeeya guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe iyo Suldaanka Guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, khilaafkan oo ku lug leh isla khilaafka xisbiga UCID gudihiisa ka jira, kaas oo laysku maan dhaafay xal u raadinta khilaafka xisbiga Ucid.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa u muuqda in uu rajo beel ka dhigay xal u raadinta khilaafka xisbiga UCID  isagoo dhawr jeer isku dayay inuu soo afjaro khilaafka daba-dheeraaday ee xisbiga Ucid kaas oo u dhexeeya guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Murashax Jamaal Cali Xuseen. Balse Suldaan Maxamed waa ku guul-darraystay in uu soo afjaro khilaafkaas daba dheeraaday iyadoo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe uu dhowr jeer ku gacan saydhay Suldaanka, ka dib markii uu isku dayay in uu ku qanciyo in aanu isku soo sharraxin xilka murashaxnimo ee xisbiga UCID.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa horay u sheegay in aanu Suldaan Maxamed shaqo ku lahayn arrimaha xisbigiisa isla markaana aanu soo fara galin karin arrimaha xisbigiisa. Faysal Cali Waraabe oo 27-kii November, 2015 waraysi uu khilaafka xisbiga Ucid kaga hadlayay siiyay telefishanka Horn Cable, wuxuu ku yidhi ‘’Suldaan Maxamed Ilmaadeer baanu nahoo anigu saldaladiiisa kuma qabsado, guddoomiyahayga iyo siyaasadda xisbigayga shaqo kuma leh, ..’’

Hadalkan guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa wakhtigaas u muuqday mid hor dhac u ah is maan-dhaaf ka dhex jira isaga iyo Suldaan Maxamed, Ismaan-dhaafkaas oo ku aadan xal u raadinta khilaafka xisbiga UCID.

Ilo-wareedyo ka agdhow arrintani oo u warramay shakabadda Qurbejoog.Com ayaa sheegaya in Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir  uu Faysal Cali Waraabe u sheegay in aanu isku soo sharraxin musharaxnimada xisbiga UCID isla markaana uu dhowr jeer isku dayay inuu Faysal arrintaasi ku qanciyo, balse taas damaca Faysal Cali Waraabe uu aqbali waayay.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo u muuqda in uu ka rajo dhigay Faysal Cali Waraabe ayaa shalay xaflad uu ka qayb-galay oo uu xisbiga waddani lahaa ka sheegay in Xisbiga UCID uu yahay xisbi shakhsi isla markaana aanay dani ugu jirin shacabka Somaliland, Suldaan Maxamed  oo arrimahaas ka hadalaya waxa uu yidhi ‘’ Xisbiga UCID wuxuu noqday xisbi shakhsi leeyahay, aniguna waxaan dan mooday oo runtii xaqiiq ah oo aan arkay inuu xisbigaasi ummadda waxba aanu u ahayn, waxba u tarayn, waxbana u qabanayn….Ninkii musharaxa u ahaa ayuu maanta rag kale ka dul keenay, waxaan leeyahay Jamaal Cali Xuseen anigu ceelka guntiisii waan ogahay, waxaan kugula talin lahaa yaan been lagugu haasaawinin, run haddaad doonayso aniguba waanigaa meesha iskaga dhaqaaqay… Jamaaloow meesha waxba kuuma yaallaane yaan wakhtiga lagaa luminin laakiin xisbiga waddani inaad kusoo biirto oo ehelkaaga iyo dadkaaga aad is hortaagto,..’’

Marka laga soo tago in Suldaan Maxamed uu ka quustay qancinta Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, haddana waxa ka muuqata hadalka Suldaanka in ay jirto gacan saddexaad oo ku lug leh khilaafka xisbiga UCID.

Hasayeeshee, ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo aanu arrintan wax ka weydiinay waxay sheegayaan in ay jirto cid saddexaad oo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe xagga danbe kasoo riixaysa taas oo ku khasbaysa in uu ka takhalluso oo meesha ka tuuro Musharax Jamaal Cali Xuseen.

Musharax Jamaal Cali Xuseen  ayaa isna shalay markiiba ka jawaabay hadalka kasoo yeedhay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, isagoona sheegay in Suldaanka Guud uu ka mid ahaa Ergadii dhanka Gudoomiye Faysal Cali Waraabe matalaysay Isla markaana aanu ka filayn hadalkan. Jamaal Cali Xuseen oo arrintaasi shalay ka hadlayna waxa uu yidhi ‘’Suldaanka waxa iigu war danbeysay axadii markii kulankii odayaashii dhexdhexaadiska ahaa, oday weyn oo hadalo badan ka yidhi saxaafada iyo mid gaar ahaaneedba ka yidhi kulankii ay odayaashu yeesheen ayuu ahaa, xisbiga UCID ninkii iigu yeedhay buu ahaa markii iigu horreysay ee aanu ka hadalnay raggii damaanad qaaday buu ahaa, ee guddoomiye Faysal soo kaxaystay isaga iyo Xaaji Cabdiwaraabiyo, Khadar Likiyo, Xidlhibaan Dheegyo, Boqor Raabiyo, rag fara badan oo hal-door ah oo kasoo jeeda beeshaasi , oo beel aad iyo aad aan ixtiraam anigu u hayo ah, Laakiin waxa ii qaban waayay hadalkii uu axadii yidhi iyo hadalkan uu maanta yidhi waa laba cirka iyo dhulka isku dhow, aniga suldaanka hadalkayagii isku kaaya danbeeyay waxa uu ahaa in aan laga yeeli doonin cidna inay xisbiga kaligeed ay duuduub ku haysato,..’’

Axadii hore ee todobaadkan ayay ahayd ka dib markii shir ka dhacay magaalada Hargeysa gaar ahaan Hotel Dalxiis kaas oo ay ku shirayeen Hal-doorka beesha Faysal Cali Waraabe iyo Musharax Jamaal Cali Xuseen, ay sheegeen in khilaafkii xisbiga UCID dhamaaday, walow aanay sheegin wakhtigaas qodobada lagu heshiiyay ee kasoo baxay shirkaasi. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka mid ahaa ergada ka socotay dhinaca Faysal Cali Waraabe ayaa wakhtigaas sheegay in Faysal  Cali Waraabe aanu ahayn musharaxa xisbiga isla markaana ay arrinta Faysal kasoo dhameeyeen, balse Suldaan Maxamed ayaa wakhtigaas u muuqday mid aan wax badan ka ogayn damaca Faysal Cali Waraabe .

Dhanka kale, warar aan illaa hadda soo shaac bixin ayaa sheegaya in Guddoomiye Faysal Cali Waraabe uu wado dhaq-dhaqaaq uu ku sameynayo Suldaan Cusub oo jilibka beeshiisa ah kaas oo uu kaga gaashaamanayo Suldaan Maxamed SuldaanCabdiqaadir, balse illaa hadda ma jirto cid si toos ah warkaasi noogu xaqiijisay.

Ugu danbeyntii, Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqda in uu ka fallaagoobay beeshiisa isla markaana uu xalkii Khilaafka xisbiga UCID uu mus kasii tuurayo, iyadoo inta badan beesha uu kasoo jeedo Faysal Cali Waraabe ay yihiin kuwo kaga soo horjeeda go’aanka uu ku doonayo in uu Jamaal Cali Xuseen kaga fara maroojiyo Murashaxnimada xisbiga UCID.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafkii xisbiga UCID oo tiraba dhowr jeer la sheegay in lasoo af jaray  ayaa hadda  u muqdaa in uu waji cusub lasoo baxay, iyadoo uu soo ifbaxay khilaaf cakiran oo u dhaxeeya Suldaanka Guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

 Contact: Khaalidfoodhaadhi@gmail.com

Qubejoog — Hargeysa

Comments are closed