|

Khilaafkii u Dhexeeyey Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Abaanduulihiisa oo Cirka Isku Sii Shareeray iyo Guddi La Saaray Oo Natiijo Xumaysatay

Hargeysa:06-March-2014(SDN)-Wali waxa Taagan Khilaafkii Muddo ka Hor ka Dhex Cakirmay Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Abaanduulihiisa Mr Calas.

calasAbaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland Cabdilaahi Calas oo u Warramay Wargeyska Saxansaxo ayaa caddeeyey in Murankii iyo is qabqabsigii u dhexeeyey Taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil Shaqalle uu gaadhay Heer ay u maaro waayeen Guddi loo saaray inay Gebogebeeyaan.

Abaanduule Calas ayaa xusay inaanu in muddo ah wax Hawl ah u qaban ciidanka, isla-markaana aanu wax xafiis u shaqo tegin oo uu iska Joogo Suuqa, isagoo Intaas raaciyey inuu Ka War sugayo Madaxweynaha Somaliland oo isagu Gadh-wadeenkii Qaranka ah.

Abaandulaha oo ka hadlaaya Arimahaasna wuxuu yidhi “Anigu waxaan ahay dharcad oo dadkayga ayaan iska dhexjoogaa,sidaas ayaanaan ahaanaya ilaa iyo inta khilaafka la xalinaayo,khilaafkii iyo arimihii sharci ee aanu isku haynay Taliyahana waa sidii ,wayna ka sii dareen,Gudidii madaxweynuhu u saaray khilaafkana waxba may xalin,cid dhexdhexaadin wadana ma arko hadda”

 

Abaanduuluhu oo ka hadlaayey wax u qorshaysan ama uga meel yaal khilaafkan gaamuray wuxuu yidhi “Waxaan go’aansadey intuu Madaxweyne siilanyo xilka hayo inaan wax istiqaalad ah dhiibin,waxan ka dhursugayaa wuxu ka yeelo khilaafkan sharci”ayuu hadalkiisii ku soo afmeeray abaandule calas.

 

Taliyaha iyo Abaanduulihiisa ayaa isku Dhacay xilli uu madaxweyne Siilaanyo Safar dalka kaga Maqnaa, waxana arrintu sii Murugtay markii ay Madaxweynaha iskula Tageen, iyadoo Uu Abaanduuluhu wax Saluugsan yahay.

Arrimaha Khilaafku salka ku Hayo ayaa u badan ciidamo Aan hore uga Tirsanayn Kuwa qaranka oo loo Ballansanaa in lagu Daro oo la sheegay inuu Taliyuhu ka Cago jiiday, waxana ay taasi keentay in Arrintu Farah aka Baxdo oo xataa labada Masuul Afku ka Duulo.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed