|

“Khilaafkii Golaha Wakiilada Waxaa lahaa Habka Sadexda Xisbi ee Somaliland ” Prof Maxamed Siciid Gees

Hargaysa 21.Feb 2014 (SDN)- Prof. Maxamed Siciid Gees oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka ah ee reer Somaliland, ayaa sheegay in xudunta khilaafaadka Somaliland salka ku hayo saddexda xisbi qaran ee dastuurku jiddeeyey inay dalka ka jiraan, isagoo xusay in markii dastuurka la qorayey muran iyo dood badan ka dhallatay arrintaas, laguna dooday in tiradda xisbiyada laga kordhiyo sida ay hadda yihiin.

geesProf. Maxamed Siciid Gees waxa uu sidaa ku sheegay qormadiisa  uu ugu magac-daray Dharaaro Xusuustood, isagoo xusay in falsafada Golaha Guurtidu u dhisan yahay la xidhiidho ilaalinta jiritaanka hay’adaha qaranka oo xukuumada iyo sharci-dejintu ka mid yihiin.Waxa kale oo Prof. Gees qormadiisa maanta ku soo qaatay khilaafka dhexmaray Golaha Wakiillada, kaasoo faahfaahsana waxa uu u qornaa sidan; “Dharaarahan waxa ina saaran dhedo muran ah oo ka dhalatay is-qabadka Shirguddoonka Golaha Wakiillada. Waa markii labad ee muran caykan ahi ka dhex dhaco Golaha Wakiillada oo ay xubnaha golahu u kala jabaan laba garab oo ku kala tiirsan xukuumadda iyo mucaaradka.

Is-qabadkii hore waxa uu dhacay sannadkii 1995 oo waa kii galaaftay Guddoomiyihii Golaha waqtigaas oo ahaa Md. Axmed Cabdi Xaabsade, taas oo dhalisay inuu iskaga huleelo Somaliland oo ka maqnaado muddo dheer.

Macallin aan wada shaqayn jirnay ayaa waxa uu lahaa arrin yaab leh oo ah isaga oo hurda ayuu kici jirayn oo dharka xidhan jiray oo kadinka guriga aka bixi jiray, haddii aan cidi qaban waxa dhici jirtay inuu meel ku dhaco oo markaas tooso. Dhawr jeer ayuu sigtay oo khatar naftiisu gashay.

Cudurkaas waxa la yidhaahdaa afka qalaad “Sleep walking” Hadda waxa la moodaa in jiradaas oo kale ku dhacday Golaha Wakiillada oo uu isaga oo hurda uu dhaqaaqay oo uu jar ka dhacayo (sleep-walking into disaster), haddii aan cidi u bixin oo ka qaban.

Is-qabad shirguddoon, Guddiyo kala beddel aan la isla ogayn, daadifayn aan la isla ogayn, soo jeedin ayidaad ah, Maxkamad Sare, Madaxtooyo, wax ka beddelid Xeer-hoosadkii, hoos-u-dhigid hab-maamuskii ku-xigeennada, rogaal-celin iyo soo jeedimo kale oo ka dhan Guddoomiyaha. Waxaas oo dhan oo socda oo ay wadaan Xildhibaannadii miyaanay iyagoo hurda soconayn oo jar iska xoorayn.

Toddoba iyo toban sanno Xeer-hoosdakii lagu xalilay khilaafkii hore ee Golaha sidee dib loogu furaa oo loo beddelaa? Waaba lagu soo dhaqmay muddada dheer si nabad ah. Shirguddoonka siddeeda sanno miiska wada fadhiyey oo xalaal iyo xaaraanba gacanta wax wada geliyey oo wax wada shirqoolay waqtigii Madaxweyne Rayaale agoorma ayey is naceen? Xagee lagu socdaa? Haddii la soo jeediyey qaladkii ha lag noqdo, maxaa dhinacii kale ugu adkaysanayaa in la sii furo xeerkii oo uu au aqbaliwaayey. Ifafaalahaas oo dhami waxay ku tilmaamayaan in xildhibaannadu ay “sleep-walking into disaster” waar ma garatay. Baadidu meel aany jirin ayaa laga daydayaa.

Waxa arrintan sabab u ah habka saddexda xisbi kaas oo xasilooni-darro ku abuuray siyaasadda Somaliland; oo aakhirka galaafan doona haddii aan laga guurin. IIlaa maalintii lagu daray qoddobkaas dastuurka ee xalaalaynaya saddex xisbi oo qudha aad ayaa looga qayshay. Dad badan oo Marxuum Cigaal ka mid ahaa iyo aqoonyahanno ayaa ka digay arrintaas,  wax-ka-beddelid ayaa lagu soo dhigay oo golayaasha loo gudbiyey, hase yeeshaa dib ayey u soo celiyeen oo dhagaha furaysteen, maanta ayay damabarsanayaan taladii waa la maqli waayey.

Hadda ayey muuqataa xisbi lahaa 31 mudane oo golaha wakiillada ah ayaa la yidhi waa aad hadhay waa UDUB. Xildhibaannadiisii ayaa marba dhinca codka u bixinaya oo fulaacaya ilayn cid ay ku xidhan yihin ma jirto, xisbigoodii waa la tirtiray ay u dhaarteen oo magaciisa ku soo baxeen. Marna bidix, marna midig ayey coddaynayaan. Kaaga daran eh, haddii xubin ay ka baxdo golaha waxa lagu beddelaa xubintii ku xigtay liiskii xisbgii ee UDUB, ee la yidhi waa la tirtiray oo waa sidee? Xisbi marna jira marna aan jirin, xagee lagu arkay sharci sidaas ah. Waxba kama ay odhan 440 garyaqaan ee Jaamacadda ka soo baxay, cidina cilmi-baaadhis kuma samayn arrintaas sharciyadeeda.

Golaha Guurtidu falsafad ahaan waxa uu ku dhisan yahay inuu illaaliyo dhismaha qaranka. Inuu illaaliyo in waaxda fulintu jirto iyo in waaxda sharci-dejintu, gaar ahaan Golaha Wakiilladu u jiro, maadama ay adag tahay in dib loo yagleelo dhinca dhaqanka Soomaalida maamul cusub oo dawladeeda waxa laga sii fekeray inaanu amarnba daaqadda ka bixin tiirarka qaranku. Sidaas ayaa loo siiyey Golaha Guurtida awoodda muddo-kordhinta Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada. Waa arrin aanay fahmi karin khawaajayaasha iyo kuwa la hal maala ee sidooda u fikira.

Duruufaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo waxa ka dhalan kara ayaa lagu dhisay Guurtida inay badbaadiso jiritaanka qaranka, xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, sidaa darteed Guurtida waxa waajibkooda koobaad yahay badbaadinta iyo jirtaanka Golaha Wakiillada, markan iyaga oo aan eegayn cidda ay ku ciiri doonto taladu.”

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed